MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA HADLAY DASTUURKA CUSUB.

(SAWIRKA)-HSM.

(MUQDISHO)-Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay si rasmi ah uga baxday marxaladdii dastuurka ku-meelgaarka ahayd, kaddib markii la dhammaystiray dastuurka qaranka. Khudbad uu jeediyay, madaxweynuhu wuxuu sheegay in Soomaaliya muddo dheer ku jirtay nidaam ku-meelgaar ah oo ku dhisnaa dastuur ku-meelgaar ah, balse maanta la soo gabagabeeyay marxaladdaas. Wuxuu xusay in tallaabadan ay ka dhigan tahay in dalka uu yeeshay saldhig sharciyeed oo dhammaystiran oo hagaya shaqada hay’adaha dowladda iyo jihada siyaasadda qaranka. Dastuurkii la ansixiyay 2012-kii ayuu ku tilmaamay tiir muhiim u ahaa dib-u-dhiska dowladnimada, balse wuxuu sheegay in uu ahaa mid ku-meelgaar ah oo u baahnaa in la dhammaystiro. Sida uu sheegay, ku-meelgaarnimadaasi waxay saameyn ku yeelatay siyaasadda, dhaqaalaha iyo hay’adaha dowladda, iyadoo muran badan ka jiray awoodaha dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, sidoo kale ay adkayd in si buuxda loo dhiso nidaamka garsoorka iyo nidaamka maaliyadda dalka. Wuxuu sheegay in dhammaystirka dastuurku uu hadda caddeynayo qaab-dhismeedka dowladnimada iyo sida awoodaha loo qaybsanayo. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku adkeeyay in wixii khilaaf siyaasadeed ah mustaqbalka lagu xallin doono hab dastuuriga ah, halkii laga gaari lahaa heshiisyo siyaasadeed oo ka baxsan dastuurka. Wuxuu sheegay in dastuurku yahay heshiis bulsho oo xadidaya awoodda siyaasiyiinta, isla markaana dejinaya xeerarka lagu maamulayo dalka. Isagoo ka hadlayay doorka baarlamaanka, madaxweynuhu wuxuu sheegay in xildhibaanadu ay qaadeen mas’uuliyad taariikhi ah oo ku aaddan dhammaystirka dastuurka, kaddib dood iyo wada-tashi qaran oo muddo dheer socday. Wuxuu intaas ku daray in ansixinta dastuurka lagu qabtay hab furan oo shacabka iyo warbaahintu si toos ah u daawanayeen. Si kastaba, qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka oo horey u muujiyay walaac ku saabsan habka loo maray dib-u-eegista dastuurka, ayuu Madaxweynuhu ugu baaqay inay aqbalaan natiijada, isla markaana ay ilaaliyaan dastuurka cusub, isagoo sheegay in wixii isbeddel ah mustaqbalka lagu samayn karo habraaca dastuurka laftiisa.

ISHA-HOL.

Previous
Previous

ILAALADDA KACAANKA IRAN OO SHEEGTAY INEY DUQEYSAY GAROONKA…..

Next
Next

ILAALADDA KACAANKA IRAAN OO XIRTAY MARINKA HORMUZ.