MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GAARAY DALKA TURKIGA.

(SAWIRKA)-MW-XASAN IYO MW-ERDOGAN.

(ISTANBUL/TURKEY)-BREAKING NEWS:-Wararka laga helaayo dalka Turkiga ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu Madaxtooyada Dolmabahçe ee magaalada Istanbul uu kulan kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta, iyadoo Madaxweyne Xasan iyo Erdoğan ay dul-istaageen miro-dhalka iskaashiga maalgashi ee Soomaaliya iyo Turkiga oo meel sare gaaray. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka Turkiga doorka muhiimka ah ee ay ka qaadanayaan dowlad-dhiska iyo horumarka Soomaaliya, gaar ahaan dib u dhiska, adeegyada bulshada iyo amniga. Labada Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta wada-shaqeynta istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga, waxa ayna hambalyeeyeen billowga soo saarista shidaalka Soomaaliya oo markabkii qodi lahaa uu soo gaaray dalka.

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

WARBAAHINTA DALKA TURKIGA OO KA HADASHAY KULANKA LABADA MADAXWEYNE EE SOOMAALIYA IYO TURKIGA.

Next
Next

BANGI TALYAANIGA KU YAAL OO RAG HUBEYSAN EY DHECEEN.