MADAXWEYNAHA KENYA OO MAGACAABAY GOLE WASIIRO KANA KOOBAN…
(SAWIRKA)-MW-WILLIAM RUTO.
(NAIROBI)-Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa Jimcihii shalay soo saaray Gole Wasaaradeed oo cusub kana kooban 11-Xoghahaye oo la soo magacaabay. Ku dhawaaqista Golahaan ayaa daba socota Go’aankii cajiibka ahaa ee Madaxweynuhu uu todobaadkii hore uu ku kala diray dhammaan Golihiisa Wasiiradda,iyadoo uu haray oo kaliyah Xoghayihii Reysal Wasaaraha Musalia Mudavadi. Arrintaan ayaa timid ka dib markii guud ahaan dalka Kenya ey ka dheceen dibadbaxyo looga soo horjeedo Canshuur kordhinta,waxaane dibadbaxyadaas ku dhintay dad gaaraayo ilaa konton qofood,waxayna dawladda Kenya ka laabatay Canshuur kordhintii ey sameysay. “Waxaan magacaabayaa qeybta koowaad ee soo socota oo kow iyo toban qof ah si ey u tixgeliyaan eyna u ansixiyaan Golaha Shacabka si loo magacaabo Xoghayaha Golaha Wasiiradda iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee dalka Kenya”MW-Ruto ayaa sidaas ku sheegay hadal kooban uu ka dhex jeediyey Aqalka Madaxtooyadda ee magaaladda caasimada ah ee Nairobi. Wasiir Kithure Kindiki ayaa mar kale loo magacaabay inuu noqdo Xogahayah Golaha Wasiiradda ee Arrimaha Gudaha iyo maamulka Qaranka,Aden Barre Ducaale ayaa sii wata shaqadiisa Wasiirka Gaashaandhiga oo waa uu soo laabtay. Xogahayaasha Golaha Wasiiradda ee dhawaan la magacaabay waxaa ka mid ah Debra Mulongo Barasa oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, Davis Chirchir oo u qaabilsan Wadooyinka iyo Gaadiidka, Soipan Tuye oo u qaabilsan degaanka iyo Keymaha, Eric Muga oo u qaabilsan Biyaha Fayadhawrka iyo Waraabka iyo Julius Migosi oo u qaabilsan Waxbarashadda,halka Rebecca Miano loo magacaabay xilka Xeer ilaaliyaha Guud ee dalka Kenya. Golaha Wasiiradda ee dib loo habeeyey ayaa ku soo beegmeysa xilli xaasaasi ah iyadoo dawladda Kenya ey la daalaa dheceyso qancin la’aanta shacabka Kenya,mudaaharaadyada dawladda looga soo horjeedana ey dalka oo dhan ka socdaan iyo codsiyo dib u habayn balaaran ah.
ISHA/AA.