MADAXWEYNAHA JFS MUDANE XASAN SHEEKH OO GAARAY NEW YORK.

(MUUQAALKA)-MADAXWEYNE XASAN.

(NEW YORK/USA)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada New York ee dalka Mareykanka, si uu uga qeybgalno kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, sida lagu sheegay war kasoo baxay Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Sida uu sheegay Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ajandaha madaxweynaha Soomaaliya inta uu ku sugan yahay New York waxaa ka mid ah horumarinta dalka, maalgashiga iyo la-dagaallanka xagjirnimada ee Geeska Afrika. Doodda guud ee heerka sare ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa bilaabanaysa 22-ka Sebtembar, waxayna soconaysaa illaa 28-ka bisha. Hal-ku-dhegga kalfadhigan ayaa ah “Soo celinta kalsoonida, maaraynta isbeddelka: Qaramada Midoobay oo wax u qabata dhammaan.” Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sanad kasta isu keena madaxda dowladaha iyo kuwa xukuumadaha, kuwaas oo soo bandhiga mowqifyada iyo mudnaanta dalalkooda ee ku aaddan arrimaha caalamka. Soomaaliya ayaa xilligan ku jirta sannadkii labaad ee xubinnimadeeda aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Xubinnimada Soomaaliya ayaa bilaabatay 1-da Janaayo 2025, waxayna soconaysaa illaa dhammaadka sannadka 2026. Inta uu socdo kulanka Golaha Guud, waxaa sidoo kale jira shirar iyo kulamo looga hadlayo horumar waara, isbeddelka cimilada, u-diyaargarowga cudurrada faafa iyo xaqa horumarka. Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay in kulamadan ay dowladuhu kaga wada hadli doonaan iskaashiga ku saabsan caqabadaha dhaqaale, bulsho iyo deegaan ee dunida.

ISHA-HOL.


Previous
Previous

SHIRKADAHA DALXIISKA EE JAZEERA OO AMARO LA DUL DHIGAY.

Next
Next

SHIRKADDA FAVORI EE TURKIGA OO HESHIIS LA GASHAY SHIRKAD KALE.