MADAXA UNSOS OO LA KULANTAY SAFIIRKA DALKA INGIRIISKA.
(SAWIRKA)-QURAT UL CEYN IYO DAN.KING.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Ku simaha Kaaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe ahne Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobe ee Kaalmada Soomaaliya marka la soo gaabiyana loo yaqaano UNSOS Marwa-Qurat Ul-Ceyn Sadozay ayaa maanta la kukanta Danjiraha dalka Boqortooyadda Ingiriiska ee soomaaliya Danj.Charles King si looga wada hadlo xoojinta iskaashiga ku wajahan si loo taageero arrinta mudnaanta leh ee ah Amniga dalka Soomaaliya. Kulanka labada masuul ayaa lagu xaqiijiyey muhimadda iskaashiga caalamiga ah ee joogtada ah oo ey ku jirto taageeradda UNSOS ee AUSSOM, Ciidamadda amaanka Soomaaliya(SNF) iyo Sanduuqa Kalsoonidda Ciidamadda Amniga Soomaaliya taaso la isku haleyn karo. Horay waxaa kaalmadii uu bixin jiray u goostay dalka Maraykanka isaga oo sheegay in wax horumar ah aan laga sameyn la dagaalnka Argagixisada ee dalka Soomaaliya iyo in kooxaha xagjirka ah ey dib u qabsadeen goobo horay looga xoreeyey dhawr sanno ka hor. Dhinaca kale, waxaa Hotelka Decale ee ku yaalo Garoonka Aden Cadde ee Magaaladda Muqdisho shalay ka furmay shir u dhexeeyo DFS iyo kooxaha kala gedisan ee Mucaaradka Soomaaliya,shirkaan ayaa waxaa garwadeen ka ah dalka Turkiga oo saameyn weyn ku leh arrimaha Soomaaliya tan iyo sannadkii 2011, waane dalka kaliyah ee Soomaaliya maanta ka caawinaayo Tababaradda Ciidamadda qeybahooda kala duwan.
ISHA-SB-MEDIA.