MA LIIBAANAYAASHA LAGU LIIBAANAY.

(SAWIRKA)-MUCAARADKA.

(NAIROBI/KENYA)-Maalmihii la soo dhaafay waxaa caasimadda dalka Kenya ee Nayroobi ku kulansanaay Mucaaradka Dawladda Federaalka Soomaaliya garabkiisa Madasha Samatabixinta Soomaaliya, kulanka ayaa ujeedkiisa ugu weyn waxa uu ahaa sidii loo xoojin lahaay cududa Mucaaraddka DFS loona gaarsiin lahaa heer ka fiican heerka uu hadda taagan yahay. Ex.Mw.Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ahaa Gudoomiyaha Madasha Samatbixinta Soomaaliya ee uu wehliyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Md.Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa wada gaaray dalka Kenya, ujeedka socdaalkooda ayaa lagu sheegay sidii waan waan loo dhex dhigi lahaa Mw.Farmaajo iyo Xil.C/raxmaan C/shakuur Warsame, kuwaaso ey ka dhexeyso dhibaato culus taaso dhacday waqtigii uu Farmaajo dalka ka ahaa Madaxweynaha. Heshiisiinta labadaan siyaasi ayaa waxaa loo kaashaday culimadda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya gaar ahaan kuwooda jooga caasimadda Nayroobi balse arrinkaasi ma noqon mid mirdhala oo waxaa heshiiska si cad isaga diiday Xil.C/raxmaan C/shakuur Warsame, kaaso sheegay inuusan marnaba la heshiineyn Farmaajo, hase ahaatee isku daygaas ayaa waxaa ka dhashay kala qeybsanaan cusub oo soo kala dhaxgashay Mucaaradka ku mideysnaay daladda Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, waxa eyna u kala jabeen laba qeybood oo kala ah: (1)-Qeyb ey kuwada jiraan Resyal Wasaarayashii hore Rooble, Khayre iyo C/raxmaan C/shakuur. (2)-Qeyb ey kuwada jiraan Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xil.C/qaadir Cosob, Khaliif C/qaadir Macallin Nuur iyo Koofi. Waxaane xusid mudan shirkii in Kismaayo ee lagu dhisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya kaaso ey ku mideysan yihiin Siyaasiyiin ka kala socoto Madasha uu hogaamiyo Sheekh Shariif iyo Madaxweynayaasha DG Puntland iyo Jubaland, kulankaasi ka dhacay Kismaayo waxaa la isku afgaran waayey in goluhu yeesho Gudoomiye, Gudoomiye ku xigeen iyo Xoghaye, waayo waa lagu kala aragti duwanaaday,waxaane dhacday in lagu baaqo in la qabto shir kale kaaso ka dhacaayo caasimada DG Puntland ee Garawe taariikhdu markey ahayd 10-kii bishaan, isagiina waa uu baaqday oo ma uusan qabsomin mana la sheegin sababta uu u baaqday iyo goorta uu shirku dhacaay iyo goobta uu ka dhacaayo ilaa maanta. Warar aan la xaaqiin ey heshay Warbaahinta SUUQ-BACAAD MEDIA ayaa sheegaayo in shirka Mucaaradka DFS uu ka dhici doono caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho waqti aan weli la cayimin, waxaane ka qeybgelaayo Siyaasiyiintii ka tirsaneed Madashii Shiikh Shariif hogaaminaayey taaso hadda kal qeybsan siyaasad ahaan iyo aragti ahaanba. Siyaasi ka mid ah Mucaaradka kuna sugan qurbaha, kuna wajahan Shirka Muqdisho ayaa warbaahinta Suuq-bacaad Media ku yiri” MA LIIBAANAYAASHA LAGU LIIBAANAY”,taaso uu ula jeedo in Mucaaradka Muqdisho u adeegaayo dano kale oo aan ahayn danahooda. Shirka Muqdisho ayaa la filaa inuu qabsoomo laba todobaad ka dib mana ka soo qeybgli doonaan hogaamiyeyaasha DG Puntland Siciid C/laahi Deni iyo Jubaland Axmed Madoobe, mana la sheegin sababta ey uga baaqdeen shirka Muqdisho.

SUUQ-BACAAD MEDIA.

Previous
Previous

HAYADDA SOCDAALKA IYO JINSIYADAHA OO YEELATAY AGAASIME CUSUB.

Next
Next

JABUUTI OO QABATAY HUB IYO TAHRIIBAYAAL KA YIMID YEMEN.