LIIBIYA OO MUSAAFURINEYSO 39-TAHRIIBE OO SOOMALI KU JIRTO.

(SAWIRKA)-MUHAAJIRIIN AFRIKAAN AH.

(TRIPOLI/LIBYA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Liibiya ee Tripoli ayaa sheegaayo in Hay'adda Xakamaynta Socdaalka Sharci-darrada ah, ee Gobolka Bari, ayaa Sabtidii la soo dhaafay sheegtay in dalka Liibiya laga masaafuriyay 39-Qof oo ah muhaajiriin sharci-darro ah oo ka soo jeeda wadamadda kala ah “Masar, Eritareeya, Soomaaliya, iyo Itoobiya”. Habka masaafurinta ayaa u dhacay laba kooxood; kooxda hore ee la ,asaafuriyey waxa ey ka koobneed muwaadiniin reer Masar ah, kuwaas oo laga masaafuriyay xadka dhulka ee Emsaad, kooxda labaadna waxa ey ka koobneed muwaadiniin u kala dhalatay wadamadda “Eritareeya, Somaliya iyo Itoobiya”, waxaana loo wareejiyay Xarunta Xabsiga iyo Masaafurinta Qanfuda si loo dhammaystiro habraacyada masaafurinta iyadoo uu kormeerayo Madaxa laanta AL-Butnan, sida ay sheegtay hay'addu. Ma aha markii ugu horeysay oo dad Afrikaan ah laga soo Musaafuriyo dalka Liibiya tan iyo markii ey burburtay dawladdii dhexe ee Liibiya ee uu hogaaminaayey Col. Macamar AL-Qadaafi. Dadka Soomaalida ah ee ka midka ah muhaajiriintaan loo diyaarinaayo in dib loogu soo celiyo dalkooda hooyo ayaa la shaacin tiradooda dhabta ah iyo inta rag ah inta dumara ama caruur ah.

XIGASHO-LO.

Previous
Previous

DILALKII QORSHEYSNAAY UU UU IMAARAATKU KA FULIYEY CADAN OO LA KASHIFAY.

Next
Next

MASULIYIINTA MIDAWGA AFRIKA OO KU BAAQAY XOOJINTA MIDNIMADA.