LIBIYA: MASUULIYIIN DAYAC DARTIIS LOO XUKUMAY.
(SAWIRKA)-BURBURKII DERNA.
(TRIPOLI-LIBYA)-Maxkamad ku taalo dalka Libiya ayaa maanta oo Axad ah xukuntay 12-Qof oo isugu jira kuwa hadda xilal haayo iyo kuwa xilal horay u soo qabtay,kuwaaso lagu xukumay 27-sano oo xarig ah ka dib markii lagu helay iney ku lug lahaayeen burburkii laba biyo xireen sannadkii hore 2023-kii,waxaa soo dumay derbi biyo celinaayey oo aad u dheer kuna yiil bartamaha magaaladda,waxaane ku dhintay kumanaan qofood. Labada biyo xireen ee ka baxsan magaaladda Derna ayaa kala go’ay 11-Sebtembar-2023-kii ka dib markii ey buux dhaafiyeen biyo kuna dhufatay Duufaanta Daniel oo Robab xoogan ka gaysatay Bariga Libiya. Burburka dhismayaal ayaa buux dhaafiyey ilaa rubac ka mid ah magaaladda,sida ey sheegeen saraakiisha taasi oo burburisay xaafaddo dhan dadkane ey badda u soo galeen. Maxkamadda Dembiyadda Derna ayaa Axada maanta ah xukun ku ridqy 12-masuul oo isugu jira kuwa hadda xilal haayo iyi kuwa horay xilal u soo qabtay,dhammaan dadkaan ayaa ku eedeysan maamul xumo,dayacaadiyo khaladaad ka qeyb ka noqday musiibadda dhacday sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Xafiiska Xeer ilaalinta dalka Libiya.
ISHA/VOA.