LAFTAGAREEN OO BAXSAD KA AH BAYDHABO.

(SAWIRKA)SHIRKII BAYDHABO.

(MUQDISHO)-Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa uu ka mid yahay maamuladda ka tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya,KGS waxaa Madaxwyne ka soo noqday Shariif Xasan Sheekh Adan waxa uuna xukunka haayey muddo dhan afar sano waxaane xukunka ka tuuray dawladdii uu hogaaminaayey Farmajo taaso u arkeysay in Shariifku ku yahay caqabad hortaagan doorashada soo socoto sidaas darteedna xukunkii ayuu Farmajo xoog uga tuuray Shariifka. C/casis Laftagareen oo hadda madax ka ah maamulka KGS ayaa xukunkiisa ku ekaay 12/2022-ka waxaane hadda laga joogaa sagaal bilood aan sharci ahayn,maxaa sababay dagaalkii dhacay Disembar-2022-ka? Baydhabo oo ah Magaaladda caasimadda ku meel gaarka ah ee KGS waxaa dhammaadkii sannadkii 2022-ki ka dhacay dagaal faraha looga gubtay dadna uu ku dhintay kuwa kalane ey ku dhaawacmeen hantine ey ku burburtay,dagaalka ayaa waxa soo farageliyey Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Gud.Adan Madoobe waxaane la soo saaray heshiis qoraa ah 4/2/23-ka heshiiskaas ayaa waxa ku cadaay in doorasho la qabto dabayaaqada sannadkan 2023-ka,arrintaan ayuu C/casis ka meermerayaa ilaa hadda inuu ku dhaqaaqo sababta ugu weyn ayaa loo malaynayaa iney tahay in rabo inuu ku darsado sannad kale ilaa Nov/2024-ka,hadaba arrinkaan ayaa waxa ka biyadiidsan Mucaaradka KGS.

ISHA/CAASIMADDA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO TURKIGA UGA…

Next
Next

ALSHABAAB OO LAGU WEERARAY DHAGAXDHEER.