KULANKII LABADA AQAL EE MAANTA OO FAWDO KU SOO DHAMMAADAY.

(SAWIRKA)-XARUNTA GOLAHA SHACABKA EE BJFS.

(MUQDISHO)-Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka, kaas oo uu shir-Guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe). Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, iyo xubnaha kale ee guddoonnada labada aqal. Kooramka kulanka oo ku furmay 180 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka iyo 31 Senator oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare, ayaa mudanayaasha labada aqal loo qeybiyey warbixinta soo jeedimaha wax-ka-beddelka Dastuurka, gaar ahaan cutubyada 5-aad ilaa 9-aad. Sidoo kale, xildhibaannada waxaa la siiyey warbixin faahfaahsan oo ku saabsan soo jeedimahaas, iyo soo jeedin kooban oo ku saabsan wax-ka-beddelka Qodobbada 49-aad, 50-aad iyo 54-aad ee cutubka 4-aad. Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa ku wargeliyey xildhibaannada labada aqal in ay si taxaddar leh u akhriyaan soo jeedimaha iyo warbixinta la socota, si looga doodo kulamada soo socda. Intaas ka dib, Waxaa buuq iyo fowdo kusoo dhamaaday Fadhigii wadajirka ahaa ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay maanta ku lahayeen xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho. Kulankaan ayaa ku soo dhammaaday buuq iyo is mariwaa xoogan, ka dib markii  Xildhibaanada mucaaradka ay ka hor yimaadeen qorshaha wax ka beddelka Shan cutub oo ka mid ah Dastuurka KMG ah, iyagoona firimbi iyo fowdo ku carqaladeeyay kulanka. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayay ku adkaatay inuu si rasmi ah u furo kulanka, ka dib markii xildhibaano diidan ajandaha fadhiga ay kiciyeen sawaxan xooggan, waxaana taasi ay keentay in guddoonka uu si deg deg ah uga baxo xarunta Baarlamaanka. Intuu socday buuqa Xildhibaanada ka tirsan labada dhinac ayaa waxaa gacmaha isula tagay qaar ka mid ah Xildhibaannada kala mucaaradka iyo kuwa muxaafadka, iyadoo xaaladdu ay noqotay mid aan la xakameyn karin. Mudanayaasha si tooska ah isugu gacan qaaday ayaa kala ahaa Wasiirka Amniga gudaha Soomaaliya Senatar Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Xildhibaan Xasan Firinbi. Xildhibaanada mucaaradka ah ee kulanka buuqa iyo fowdada ka sameeyay ayaa Jeex Jeexay Warqadihii ajandaha kulanka maanta, iyagoo ku andacoonaya iney diidan yihiin wax ka bedelka Dastuurka iyo qorshe ay sheegeen in mudo kordhin loogu sameynayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Waxay sidoo kale Mudanayaashan ku eedeeyeen Madaxtooyada iyo Guddoonka Baarlamaanka inay doonayaan inay meel mariyaan isbeddello Dastuuri ah oo aan haysan taageerada shacabka iyo Baarlamaanka. Ugu dambeyntii Xildhibaanada mucaaradka ayaa si fowdo ah ugu guuleystay inay baajiyaan kulankii wadajirka ahaa ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee la doonayay in lagu meel mariyo wax ka beddelka Dastuurka, kaasoo ay ku tilmaameen mid lagu xoojinayo mudo kororsi iyo awood uruursi. Dhinaca kale, waxaa arrintaan ka hadlay masuuliyiin ka kala tirsan DFS iyo Mucaaradka. Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo arrintaan ka hadlay ayaa yiri” Xildhibaanadda Qaranka u adeegaaya ee shaqadooda gudanaaya guuleysta. Waxaa lagu jiraa waqti duulaan lagu yahay Midnimada iyo Madaxbanaanidda dalka, lana kala baranaayo kuwa dalka u shaqeynaayo iyo kuwa ajandeyaal kale ku shaqeynaayo”. Ex-Mw.Sheekh Shariif oo isagana ka hadlay wixii ka dhacay baarlamaanka ayaa yiri” Waa nasiib darro in DFS oo gogol u dhigtay Golaha Mustaqbalka iney dhinaca kalane furtay Wax ka bedelka Dastuurka leysku heystay. Waxaa hadda Hotel Jazeera ee magaaladda Muqdisho ku kulansan Xubno ka kala socdo labada Gudi ee kala metala DFS iyo Mucaaradka ku mideysan daladda Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, labadaan gudi ayaa waxaa kala Hogaaminaayo dhinaca DFS Wasiir Xasan Macallin halka dhinaca Mucaaradka uu hogaaminaayo Xildhibaan C/laahi Carab. Sida ey horay u sheegtay DFS qodobadda looga hadli doono shirka dhacaayo 1-da Febaraayo-2026-ka ayaa waxaa ka mid ah: (1)-Wadajirka iyo Midnimada Qaranka. (2)-Amniga la dagaalanka Argagixisadda. (3)-Dhammaystirka Dastuurka KMG ah. (4)-Doorashooyinka dalka ka dhacaayo. (5)-Xaaladda Abaaraha ee dalka ka taagan.

XIGASHO-WAKAALADDO.

Next
Next

SACUUDIGA OO KALA FURFURAY SHABKAD SIRDOON EY LEEYIHIIN ISRA’IIL IYO IMAARAATKA.