KULANKI MAANTA EE VILLA SOMALIA OO LA ISKU MARI WAAYEY,SABABTA?

(SAWIRKA)-FADHIGI MAANTA.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo Xarunta Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in halkaasi maanta uu Kulankan ku bilowday jawi deggan, soo dhoweyn iyo salaan ka dib, ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamuud uu miiska soo saaray Hindise ku saabsan hannaanka Doorashooyinka dalka, oo ahaa Qodobka ugu weyn uguna muhiimsan ee shirku ku saabsan yahay. Madaxweynuhu wuxuu soo jeediyey in Ajandaha shirku uu noqdo in lagala shaqeeyo Hab-raacyada Doorashada dalka heerarkeeda kala duwan, oo ah mid qof iyo cod ku dhacda. Madaxweyne Dr.Xasan ayaa horey ka aaday ajandihiisa u diyaarsanaa, isaga oo sheegay in kaas lagu dul shaqeeyo, wuxuuna xusay in Doorashada dalka loo wajaho sidan:

(1)-Doorashada Golayaasha Deegaanka: In dalka marka hore laga fuliyo Doorashooyinka Golayaasha deegaanka, kuwaas oo uu sheegay in loo qabto lana soo gebagebeeyo marka la gaaro April 15, 2026.

(2)-Doorashada Heer Dowlad Goboleed: In ka dib marka la dhammeeyo Doorashooyinka Golayaasha Degaanka, loo gudbo doorashooyinka Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, kuwaas oo loo marayo nidaam Baarlamaani ah oo la soo doortay.

(3)-Heshiiska Heer Federaal: In labadaas heer ka dib ay dhinacyadu isugu yimaadaan fadhi kale oo looga heshiinayo hannaanka doorasho ee heerka Qaran (Federaalka). Ka dib markii ey dhacday soo jeedinta Madaxweynaha, ma jirin wax ay isku raaceen labada dhinac. Golaha Mustaqbalka, ma muujin wax soo dhoweyn ah aragtida Madaxweynaha. Halka Madaxweynuhu u sheegay qorshaha Doorashada Dowlad Goboleedyada ay xilli hore maamuladda dalka iyo Dowladda dhexe heshiis ka gaareen oo aaney jirin kaalin uga banaan gacan kale. Ismari waa ku saabsan in la isku raaco waxa ajande ah ka dib, Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh ayaa codsaday in dib la isugu soo laabto kulan kale oo dhici doona berri oo Jimce ah, saacaddu marka ay tahay 2-da Duhurnimo, si loo ogaado mowqifka mucaaradka. Markii laga soo dareeray shirka, xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa fadhi gaar ah oo dhexdooda ah yeeshay si ay isaga waraystaan wixii ay kala kulmeen Madaxtooyada. Hoggaanka Puntland, Jubaland iyo Madaxda Samatabbixinta ayaa falanqaynaya Hindisaha Madaxweynaha iyo waxa laga yeelayo kulanka berrito. Si kastaba ha ahaatee, shirkii ay qaateen, Golaha Mustaqbalku waxay isku raaceen in loo diro Madaxweyne Xasan Sheekh kulanka berrito ah: Madaxweynihii hore Sheekh Shariif, Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, Xildhibaan Cabidlahi Carab iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, kuwaas oo noqonaya guddiga wadaxaajoodka ee mucaaradka. Maalinta berri ah waxa Golaha laga sugaa iney la soo shir tagaan go’aano muuqdo kuna saabsan Doorashooyinka Heer Dawlad goboleed iyo Heer Federaal, in kastoo Goalaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ey ku kala aragti duwan yihiin qaabka Doorashada ee dalka hadane iyaga ayaa looga fadhiyaa iney jawaab ka keenaan hadalkii soo jeedinta ahaa ee Madaxweynaha JFS Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud. Dhinaca Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa qaba inaan dib loogu laaban Doorashadii dhacday 2022-kii taaso lagu soo Doortay Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud, halka Mw-Siciid C/laahi Deni uu rabo in Doorashada dalka ka dheceyso ey noqoto mid la mid ah midii dhacday 2022-kii. Dhinaca Mw.Axmed Madoobe, waxa uu daneynayaa in isaga sharciyeeyo doorashada uu isaga iskiis u qabsaday ee sharci daradda ka ag ah DFS, waane uu ogol yahay oo wax dood ah kama qabo in degaanadda Jubaland laga qabto Doorasho Qof iyo Cod ah taaso ah sida uu soo jeediyey Mw.Dr.Xasan Sheekh Maxamud.

XIGASH-WAKAALADDO.

Previous
Previous

WARIYE KA TIRSAN WAKAALADDA AFP OO LAGA HOR ISTAAGAY SAFAR..

Next
Next

BOOLISKA ST.PAUL IYO HAYADDA FBI AYAA BAARAY DHIB KA DHACAY MINNEAPOLIS.