KOOXDA ALSHABAAB OO TOOGATAY SHAN DHALLINYARA AH.
(SAWIRKA)-ALSHABAAB.
(JILIB/J/DHEXE)-Wararka laga helaayo magaaladda Jilib ee Gobolka Jubadda Dhexe Dawlad Goboleedka Jubaland ayaa sheegaayo in kooxda Khawaarijta ALshabaab ey maalintii shalay oo ahayd Sabti kuna beegneed 14/3/2026-ka ey dil toogasha ah ku fuliyeen shan dagaalame oo kooxda ka tirsan. Shantaan dagaalame ayey kooxda Khawaarijta ALshabaab ku soo eedeysay iney Jaasuus u ahaayeen Dawladda Fedraalka, Dawlad Goboleedyadda iyo Dawladda Maraykanka, waxa eyna ka soo kala qabteen degaano kal duwan oo ka mid ah Goboladda dalka Soomaaliya. Dadka lagu fuliyey dilka toogashada ah ayaa u badnaay dhallinyaro eysan da’adoodu gaarin ilaa 35-sano, xukunka ku dhacay lana fuliyey isla waqtigii uu dhacay ayaa waxaa lagu fuliyey goob ey kooxda Khawaarijta ugu magac dareen Hogaamiyihii hore ee kooxda ALshabaab Aden Xaashi Ceyraw kuna taalo gudaha degmada Jilib, fulinta dilka dhallinyarada la soo qabtay ayaa waxaa u soo daawasho tegay dad si qasab ah loo keenay goobta una badnaay caruur iyo dumar. In kooxda Khawaarijta sameyso xukuno dil ah waxa ey daliil cad u tahay in kooxda ey soo food saartay jab dhinaca Sirdoonka kaaso sababay in kooxda laga dilo Hogaamiyeyaal fara badan oo muhiim u ahaa qaar kalane nolosha lagu qabtay. Dhinaca kalane,dhawr maalmood ka hor ayey ahayd markii Hogaamiye Karateey uu ugu baaqay dhallinyarada ka tirsan kooxda Khawaarijta ee Sirdoonka ah lana shaqeeyo DFS iyo Maraykanka in la cafiyey isna soo dhiibaan si wax looga weydiiyo hawlihii ey hayeen. Hadaba Warbaahinta SUUQBACAAD MEDIA.COM oo raadisay iney soo hesho xogo dheeraad ah kuna saabasan macluumaadka dhallinyarada shalay Jilib lagu toogtay ayaa waxaa u suurtagashay iney soo hesho magacyadda iyo da’adooda shanta dhallinyarada ah ee Khawaarijtu toogatay, waxa eyna kala yihiin:
(1)-C/raxmaan Isaaq Cali, magaciisa afgarashada waa C/raxmaan Sooy, da’adiisuna waa 29-jir, waxa uuna ka soo jeedaa KGS, waxayna kooxda ku soo eedeysay inuu ka dambeeyey dilkii Mujrim Yuusuf Jiis iyo ilaaladiisa, Yusuf Jiis ayaa ahaa nin dhibaato fara badan ku haayey shacabka reer KGS.
(2)-Daahir Siciid Cabdi, magaciisa afgarashada waa C/ra’uuf, da’diisuna waa 23-jir, waxa uuna ka soo jeedaa H/shabeele, waxa eyna kooxdu ku soo eedeysay inuu ka dambeeyey qabshada Horjooge kooxda ka tirsan kaaso isaga kala gooshaayey deganada Fiidaw ee Hiiraan iyo Jawhar ee G/shabeeladda dhexe maamulka H/shabeelle. Waxa eyna kooxdu sheegtay in Daahir uu Jaajsuus u ahaa DFS iyo DG H/shabeele muddo dhan sannad.
(3)-Axmed Xasan Macallin Yuusuf, magaciisa afgarashada waa Guyuf, da’adiisuna waa 40-jir, kana soo jeedo J/land, ninkaan ayey kooxdu ku eedeysay inuu Jaasuus u ahaa maamulka Jubaland iyo Dawladda Maraykanka kana qeyb qaatay fulinta duqeymo ey kooxdu ku weysay horjoogayaal muhiim u ahaa.
(4)-C/raxman Maxamed Aweys, magaciisa afgarshada waa Maankey, da’adiisuna waa 27-jir, kooxda ayaa sheegtay in ninkaan uu ka tirsanaay PS oo ah qeyb ka tirsan Hayadda NISA mushaarne ka qaadan jiray dadka reer Muqdishane uu dhibaateyn jiray, kooxda ayaa sheegtay in Maankeey uu far fiiqay lana qabtay dhawr qofood oo ey kooxdu u soo dirtay Muqdisho si ey hawlgalo dilal ah uga fuliyaan caasimadda Muqdisho iyo inuu fashilyey Boosro Qarax laga soo buuxiyey si shacabka Muqdisho loogu dhibaateeyo.
(5)-Xasan Cabdi Daruuf, magaciisa afgarashada waa Soomaw, da’adiisuna waa 30-jir, kooxda ayaa ku eedeysay inuu Jaaasuus u ahaa dawladda Maraykanka iyo DG KGS, waxa uuna ka soo jeedaa KGS. Soomaw ayey kooxdu ku sheegtay inuu ka dambeeyey duqeymo ka dhacay KGS laguna dilay Horjoogayaal muhiim ah kooxda khawaarijta ee ka hawlgashada degaanadda KGS. Soomaw ayey kooxdu ku sheegeen inuu hawshaan u haayey Maraykanka iyo KGS muddo dhan ilaa shan sano oo xiriir ah.
ISHA-SUUQBACAAD MEDIA.