KOONGO OO DALKEED KA ERIDAY…..

UN-KA.

(KINSHASA)-Dalka Jamhuuriyadda Dimoqaraadiga Koongo(DRC) waxaa maalmahaan ka taagnaay dhibaato u dhexeeyso ciidamadda Nabad ilaalinta ee ka socdo Qaramadda Midoobay iyo shacabka dalka Koongo,waxaane dhacday in ciidamada nabad ilaalintu toogteen dad shacab ah oo banaanbaxaayey.Hadaba xukuumada Koongo ayaa codsatay in afhayeenka ciidamadda Qaramada Midoobay ee joogo dalka Koongo inuu dalka Koongo isaga baxo ka dib markii uu yiri hadal aan munaasib ahayn waqti uu socdo mudaaharaad looga soo horjeedo ciidamadda Qaramadda Middobay ee nabad ilaalinta.Wasiirka arrimaha Dibadda dalka Koongo christoph Lutundula ayaa warqad u qoray hawgalka Qaramada Midoobay ee loo yaqaano MONUSCO,waxa uuna wasiirku u sheegay inuu tixgelinaayo kacdoonka shacabka ee taagan waqtigaan una dhexeeyo shacabka reer koongo iyo hawlgalka Qaramada Midoobay,wasiirka ayaa ku tilmaamay waxaan la qaadan qoraalkii afhayeenka hawlgalka Qaramada Midoobay.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

MUSLIMIINTA FARANSA OO CABASHA KA…

Next
Next

MW-LAFTA GAREEN OO LA KULMAY..