KOOFI,CABDUL IYO SAABEEY OO LA MAXKAMDEYN DOONO….
(SAWIRKA)-MASUULYIIN KU EEDEYSAN MUSUQ.
(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Muqdisho ayaa sheegaayo in Maxkamadda Gobolka Banaadir ey mudeysay dhegaysiga dacwada loo haysto masuuliyiin xilal kala duwan ka soo qabtay hayadaha Dawadda Federaalka Soomaaliyeed,masuuliyiinta la mudeeyey dacwadooda ayaa waxaa ugu magacyo dheer Labadii Agaasime ee hayadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed kalana ah Maxamed Adan jimcaale(Koofi) iyo C/qaadir Cilmi(Cabdul),labadaan masuul ayaa waxaa soo raaco Agaasimihii Canshuurta Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda XFS Muxyadiin Xasan Jurus(Saabeey),dhammaan masuuliyiintaan ayaa kuwada eedeysan Musuq-maasuq ey ku sameeyeen hawshii Qaranka ku aaminay waxaeyna lunsadeen dhaqaale aad u fara badan uu Qaranku lahaay mudadii ey joogeen xafiiska. Masuuliyiintaan Musuqa ku eedeysan waxaa u suurtagashay iney isaga cararaan dalka waxa eyna hadda ku sugan yihiin dalka dibadiisa,waxaane dacwadooda la qaadi doonaa maalinta Arbacada iyagoo aan joogin.
ISHA/CAASIMADDA.