KHILAAF SOO KALA DHEXGALAY HOGAANKA SARE EE H/SHABEELLE.
(MUUQAALKA)-CALI GUUDLAAWE IYO DABAGEED.
(JAWHAR/H/SHABEELE)-Khilaaf siyaasadeed oo hor leh ayaa ka soo cusboonaaday gobolka Hiiraan, kaddib markii Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen, uu xilka ka qaaday guddoomiyihii gobolka Hiiraan, Maxamed Xuseen Maxamed, isla markaana uu xilkaas u magacaabay Muuse Salaad. Tallaabadan ayaa waxaa si adag uga horyimid Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle, Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), kaas oo la sheegay inuu xilka dib ugu celiyay guddoomiye Carab, taas oo sii xoojisay khilaafka ka dhex taagan hoggaanka sare ee maamulka Hirshabeelle. Dabageed ayaa sidoo kale soo saaray wareegto uu xilka kaga qaaday duqii magaalada Beledweyne, Nadar Tibaax Maalin, isaga oo xilkaas u magacaabay Ducaale Aadan Cabdi. Tallaabooyinkan is-khilaafsan ayaa muujinaya khilaafka ka taagan magacaabista iyo maamulka gobolka Hiiraan, iyadoo Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo ku-xigeenkiisa Yuusuf Dabageed ay kala taageerayaan go’aanno maamul oo iska soo horjeeda. Khilaafkan ayaa imanaya xilli ay jiraan tabashooyin muddo soo jiitamayay oo ay qabaan qaybo ka mid ah bulshada gobolka Hiiraan, kuwaas oo ka cabanaya qaab-dhismeedka maamulka Hirshabeelle iyo sida awoodda maamul loogu qaybsaday gobolka. Dadka siyaasadda gobolka la socda ayaa ka digaya in khilaafka cusub uu sii hurin karo tabashooyinkaas, isla markaana uu adkeyn karo xiriirka u dhexeeya hoggaanka Hirshabeelle iyo bulshada Hiiraan ee diiddan qaab-dhismeedka maamulka.
ISHA-RISAALA.