KHAWAARIJTA ALSHABAAB OO CASHAR LOOGU DHIGAY JABAD GODANE.

(SAWIRKA)-WARKA WASAARADDA g/DHIGA SOOMAALIYA.

(JAWHAR/H-SHABELLE)-Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin hordhac ah ka bixisay dagaal culus oo saakay aroornimadii hore ku dhexmaray deegaanka Jabad Godabe ee gobolka Shabeellaha Dhexe ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa maleeshiyaadka Al-shabaab. Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay ciidanka xoogga dalka ay fashiliyeen weerar saakay deegaanku kusoo qaadeen Al-shabaab, islamarkaana haatan si buuxdo gacanta ugu hayaan deegaanka Jabad Godabe ciidanka dowladda. Wasaaraddu qoraalka ay soo saartay kuma faahfaahin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka saakay ka dhacay deegaanka Jabad Godane, waxaana wararka madaxa banaan ay sheegayaan inuu jiro khasaare xoog leh oo ka dhashay weerarka saakay ka dhacay Jabad Godane. "Waxaa hadda socda hawlgal ballaaran oo isugu jira sifayn iyo sugid amni, kaas oo lagu ciribtirayo haraadiga maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku dhuumaalaysanaya deegaanka, si looga hortago isku day kasta oo ay dib isugu abaabulayaan ama ay ku carqaladaynayaan nabadda dadka deegaanka" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya. Weerarkaan Al-shabaab ay ku qaaday aroornimadii hore ee saakay ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay ciidanka dowladda Soomaaliya ay kordhiyeen howlgalada ka dhanka ah Al-shabaabka ku sugan deegaanada ku dhadhaw degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe. 

XIGASHO-HOL.

Previous
Previous

RW-XAMSE CABDI BARRE OO KULAN LA QAATAY ODAYAAL DHAQAMEED.

Next
Next

ISBAHAYSIGA CUSUB MUXUU SOO KORDHIN KARAA?