KENYA OO QABATAY MARKAB SIDAY SHIXNAD MAANDOORIYE AH IYO RAGII WEDAY.

(SAWIRKA)-SHIXNAD MAANDOORIYA AH OO LA QABTAY.

(MOMBASA/KENYA)-Lix qof oo Iran u dhalatay ayaa la xiray ka dib markii hawlgal ay hay’ado badan ka fuliyeen badweynta Hindiya ayna ku soo qabteen Markab bilaa dawlad ah oo siday in ka badan hal tan oo ah Methamphetamine, arrintaas oo ay maamulku ku tilmaameen guul weyn oo laga gaaray qabashada Maandooriyaha taariikhda dalkaas. Markabkan oo magaciisa lagu sheegay MV Mashallah, ayaa laga soo qabtay meel 630 KM dhanka bari kaga beegan magaalada Xeebeedka Mombasa, iyadoo uu socday muddo afar maalmood ah hawl-gal ay hay’addo kala duwan ka wadeen hawl-galka Bahari Safi. Howlgalka ayaa waxaa hogaaminayay Ciidanka Badda Kenya oo kaashanaya Hay’adda Agaasinka Dembi Baarista (DCI), Adeegga Ilaalada Xeebaha Kenya, iyo hay’ado kale oo gobolka ah. Sida uu sheegay Agaasimaha DCI Maxamed Amiin, hay’adaha ammaanku waxay ku guulaysteen dabagalka iyo soo qabashada markabkan laga shakiyay, kaas oo aan lahayn wax calan ah, sidaas darteedna loo aqoonsanayo mid aan wadan marka loo eego sharciga badaha caalamiga ah. "Waxaan raacnay hab-maamuuska sharciga, waxaana codsiyo kala duwan ka horgeynay Maxkamadda sababo la xiriira xarig iyo baaritaan dhab ah, markii aan kormeernay, waxaan ogaannay 769 xirmo oo walxo Crystalline ah oo miisaankoodu yahay qiyaastii 1,024 kiiloogaraam. Tijaabooyin horudhac ah oo ay sameeyeen farmashiyeyaasha dowladda ayaa lagu xaqiijiyay in walaxda ay tahay Methamphetamine," ayuu yiri. Waxa uu intaa ku daray in daroogooyinka oo qiimahooda lagu qiyaasay 8.2 bilyan oo shilinka dalka Kenya ah, la ogaaday in boqolkiiba 98 ay saafi yihiin, taasina ay dhibaato weyn ku tahay shabakadaha dambiyada abaabulan ee ka hawlgala gobolka. "Tani waa guul weyn oo aan ka gaarnay dagaalka aan kula jirno ka Ganacsiga Maandooriyaha iyo noocyada kale ee dambiyada abaabulan ee gobolka iyo guud ahaan qaaradda Afrika, howlgalku wuxuu muujinayaa sida ay uga go'an tahay hay'adaha sharci fulinta ee la dagaalanka Maandooriyaha iyo xaqiijinta amniga qaranka." Lixda qof ee Iran u dhalatay ee laga helay markabka ayaa hadda lagu hayaa magaalada Mombasa, waxaana la filayaa in maalinta Isniinta ah Maxkamad lasoo taago. Taliye ku xigeenka ciidamada badda Kenya, Sarreeye Guuto Sankale Kiswaa, ayaa sheegay in howlgalkan uu ka dhashay xiriir dhow oo dhex maray laamaha ammaanka Kenya iyo saaxiibada sirdoonka caalamiga ah. "Guushaan waxaa lagu gaarey iyadoo lala kaashanayo saaxiibada gobolka kuwaas oo siinayay sirdoon qiimo leh oo ku saabsan dhaqdhaqaaqa markabka, markabku wuxuu ku hoos jiray raadaarka beesha caalamka, oo looga shakisan yahay inuu ku hawlan yahay dhaqdhaqaaqyo sharci darro ah, gaar ahaan ka Ganacsiga Maandooriyaha ee galbeedka Badweynta Hindiya." Waxa uu ku bogaadiyay kooxdiisa iyo hay’adaha kala duwan ee hawshaas u xilsaaran oo uu ku tilmaamay hawl-gal aan sal iyo raad toona lahayn, isagoo xusay in ka-hortaggaasi ay farriin adag u tahay dadka ka ganacsada maandooriyaha ee isticmaala biyaha Kenya. "Waxaan rabaa in aan uga mahadceliyo ciidamada badda Kenya iyo hay'adaha aan wada shaqaynta leenahay, sida xirfaddooda leh iyo wada-shaqeyntooda. Tani waa tallaabo weyn oo lagu xaqiijinayo xuduudaha badda iyo in aan dalkeena ka ilaalinno khatarta ganacsiga sharci darrada ah." Baaritaanno ayaa socda si loo go'aamiyo asalka iyo meesha loogu talagalay shixnadda. Madaxa DCI-da ayaa xusay in ay aad ugu horayso in la xaqiijiyo halka loo waday dawadan, balse waxa uu xaqiijiyay in baarayaashu ay si dhow ula shaqaynayaan hay’adaha caalamiga ah si loo baaro shabakada tahriibinta ee ka dambaysa shixnaddan.

XIGASHO-EV.

Previous
Previous

DAWLADDA TURKIGA OO QALAB CASRI AH GUDOONSIISAY WARFAAFINTA.

Next
Next

SOOMALILAND MA HELI KARTAA AQOONSI CAALAMIA AH?