KENYA OO BUUXISAY BOOSKII UU BANEEYEY GARSOORE C/QAWI.

(SAWIRKA)-PROF.PHOEBE NYAWADEOKOWA.

(NETHERLAND)-Dowaldda Kenya ayaa ku guuleysatay loollan adag oo afar wareeg qaatay, kaasoo lagu tartamayey kursiga ka banaanaa Maxkamadda Caddaaladda Adduunka (ICJ), ka dib markii uu xilka ka tagay Garsooraha Soomaaliyeed, Cabdulqawi Axmed Yuusuf. Booskaas muhiimka ah waxaa buuxin doonta Garsoore haweenay ah oo lagu magacaabo Prof. Phoebe Nyawade Okowa, taasoo noqoneysa haweeneydii ugu horreysay ee Kenyan ah ee ka mid noqota garsoorayaasha ICJ ee xarunteedu tahay magaalada The Hague, Netherlands. Doorashadan oo ka dhacday Golaha Guud ee Qaramada Midoobay (UNGA) iyo Golaha Ammaanka (UNSC) ayaa ku dhamaatay afar wareeg oo adag. Kenya ayaa ku guuleysatay 106 cod, halka Sierra Leone, oo si weyn ugu tartantay kursigan, ay heshay 79 cod. Dalalka Sierra Leone, Nigeria, iyo Ghana ayaa sidoo kale ka mid ahaa kuwa u tartamayay jagadan, balse Kenya ayaa ugu dambeyntii ku adkaatay kadib olole diblumaasiyadeed oo xooggan oo ay waday dhowr bilood. Kenya ayaa la sheegay in kursigan dadaal badan gelisay sidii ay u heli lahayd kursigan, gaar ahaan ka dib markii ay lumisay dacwadii badda ee Soomaaliya ka gudbisay ICJ sanadkii 2021. Guushan ayaa loo arkaa isku day Kenya ay ku doonayso inay dib ugu soo ceshato saameynteedii garsoorka iyo sharciga caalamiga ah. Si kastaba ha ahaatee, xeeldheerayaasha arrimaha diblumaasiyadda iyo sharciga caalamiga ah ayaa tilmaamay in inkasta oo guusha Kenya ay tahay mid taariikhi ah, haddana ay jiraan su’aalo ku saabsan ujeeddooyinka dhabta ah ee Nairobi ka leedahay safarkeeda cusub ee ICJ, iyadoo qaar ay rumeysan yihiin in ay u aragto fursad siyaasadeed iyo mid sumcad diblumaasiyadeed. Prof. Phoebe Okowa, oo ah khabiir sare oo sharciga caalamiga ah, ayaa horey u ahayd xubin ka tirsan Guddiga Sharciga Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay (ILC). Waxay qalin-jabisay Jaamacadda Oxford, halkaas oo ay ku dhameysatay D.Phil sanadkii 1994, iyadoo lagu ammaano aqooneeda iyo khibraddeeda ballaaran ee dhinacyada sharciga caalamiga ah iyo xiriirka dawlada.

XIGASHO-RADIO RISAALA.

Previous
Previous

KULANKA GOLAHA WASIIRADA EE MAANTA OO LAGU ANSIXIYEY HESHIISYO.

Next
Next

MADAXWEYNIHI HORE EE SOOMALIYA FARMAJO OO SOO GAARAY MUQDISHO.