KENYA OO AJAANIBTA U SOO SAARTAY AQOONSI CUSUB.

(SAWIRKA)-RUTO.

(NAIROBI/KENYA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Kenya ee Nayroobi ayaa sheegaayo in Muwaadiniinta Ajnabiga ah ee ku sugan gudaha dalka Kenya In ka badan 90 maalmood in looga baahan yahay in la helo Shahaadada Muwaadiniinta Ajnabiga ah, oo loo yaqaan Aqoonsiga Shisheeyaha(ALIEN ID). Shuruuddu waxay khuseysaa dadka waa-weyn ee da'doodu tahay 18 iyo wixii ka weyn oo haysta baasaboor sax ah iyo xaalad socdaal oo sharci ah. Shahaadadani waxay ka caawinaysaa dowladda Kenya inay hayso diiwaanno sax ah oo ku saabsan dadka Ajnabiga ah, iyo inay dhaqan geliso sharciyada socdaalka, waxayna u suurtogelinaysaa dadka haysta Aqoonsigaan inay helaan adeegyada muhiimka ah sida Bangiyada iyo hababka kale ee rasmiga ah. Kharashka codsiga ama cusboonaysiinta sanadlaha ah waa KSh 5,000 una dhiganta qiyaastii US$39, halka ku guuldareysiga diiwaangelinta uu muteysan doono ganaax KSh 10,000 ah, taaso qiyaas ahaan u dhiganta $77.28 doolarka Maraykanka ah. Arrintaan ayaa ah mid daba socoto dhacdadii dhacday khamiistii ina soo dhaaftay taaso ahayd in Reysal Wasaare ku Xigeenka DFS Md.C/rashiid Xaaji laga soo celiyey Garoonka Caalmiga ah ee Jooma Kinyaata ee magaaladda Nayroobi ka dib markii la weydiiyey inuu soo saaro Baasboorka dalka Kenya ee uu heysto,balse Rw-C/rashiid ayaa arrinkaasi ka biya diiday waxa eyna sababtay in Rw-C/rashiid Xaaji uu dib ugu soo laabta magaaladda Muqdisho taaso uu horay uga dhoofay.

ISHA-WAKAALADDO.

Previous
Previous

ISRAEL OO CIIDAMO KEENTAY DHULKA SOOMAALILAND.

Next
Next

DUQEYN CULUS OO KA DHACDAY SH/DHEXE.