KENYA: DAD KU DHINTAY DHISMO SOO DUMAY.
DHISMAHA DUMAY.
(NAIROBI)-Ugu yaraan seddex qofood ayaa ku dhimatay ka dib markii uu ku soo dumay dhismo ku yaalo caasimadda Kenya ee Nairobi,sidaas waxaa sheegtay xukuumadda Kenya maanta oo Arbaca ah. Isla dhismahaas soo dumay ayaa waxaa laga soo badbaadiyey seddex qofood oo kale kuwaaso laga soo dhex saaray burburkii dhismaha waxaane hadda lagu daaweynayaa isbitaal ku yaalo Kasaraani halkaaso ey ka jiraan sheekooyin dhismayaasha soo duma ah.
ISHA WARKA AP.