Kala qeybsanaanta madaxda dalka Dan….

Ma aha midaan la yabaayo amaba igu dhallinayso naxdin aan ka seexan waayo haddii aan maqlo war sheegaayo ineey is khilaafeen madaxda u sareeyso dawladda federaalka soomaliyeed,waane arrin iska caadi noqotay tan iyo markii dib u soo bilaabatay soo noolaashadda qaranimadda inaga dhimmatay,hadda waaba ka daran tahay oo arrinka ayaaba taagan kala qeybsanaan dhexdooda ah iyo been loo sheego shacabka si koox kastaba u kasbato caqliga shacabka la jahwareeriyey.

Sheekadda hadda taagan ayaa ah inuu gudoomiyaha aqalka sare rabi ka badbaadiyey siriq eey soo wada diyaariyeen gudoomiyaha aqalka hoose Mudane Mursal iyo ku xigeenkiisa Muudeey oo kaashanaayo madaxweyne Farmaajo iyo xildhibaanadda la leh gacan saarka kana tirsan golaha wasiiradda,hal fadhi oo eey wada joogaan dhammaan senatarada iyo xildhibaanadda aqalka hoose in lagu ansixiyo xeerka doorashadda dalka iyo arrinta gubtay dadka reer Muqdisho ee ah maqaamka Caasimadda Muqdisho taasoo madaxweynuhu u arko miduu ku kasban karo quluubta reer Muqdisho mar haddii eey helaan metelaad aqalka sare ah,waxaase taas ku hoos duugan wax ka bedelid lagu sameeyo dastuurka dalka waane taas tan uu Farmaajo u arko dan isaga u gaar ah.

Madaxweyne farmaajo iyo raysal wasaarihiisa Khayre ayaa cayaaray shax aad u fiican ka dib markii kursiga laga tuuray mudane Jawaari oo eey u arkaayeen inuu yahay caqabad hortaagan danahooda mustaqbalka siyaasadeed sida hadda muuqataba waxaane jirto maahmaah soomaaliyeed oo dhehayso”USHAADA WAXAA LOO DHIIBTAA NIMAAD KA QAADAN KARTID” in gudoomiye laga dhigo Mursal laguna qanciyo mudane Ibraahim Isaaq yaraw inuu noqdo gudoomiyaha gudiga isku dhafka ah ee u xilsaaran ineey diyaariyaan xeerka doorashooyinka qaranka iyo maqaamka caasimadda Muqdisho si uu u fuliyo amaradda farmaajo siiyo sida haddaba dhacday,Mawliid Guhaad ahne gudoomiye ku xigeenka labaad ee aqalka sare kana soo jeedo gobolka Gedo xigtana yihiin Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay diidmada uu sameeyey Gudoomiye Cabdi Xaashi cabdullaahi iyo go’aanka uu soo saaray ee madaxa xanuujiyey villa soomaaliya baddana ku riday damacii waalnaay ee Farmaajo ka qabay waqti kororsi.

Hoos ka akhriso war saxaafadeedka gudoomiye Cabdi Xaashi.

Previous
Previous

Hogaamiyihii Janjawiid oo ….

Next
Next

Xukuumadda Jabuuti oo xabsiga…..