JARMALKA OO DIB UGU CELIYEY 81-QAXOOTI OO REER AFGAANISTAAN.
(SAWIRKA)-WAQTIGII LA DAABULAAYEY QAXOOTIGA AFGAANISTAAN.
(GERMANY)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jarmalka ayaa Jimcaha maanta ah xaqiijisay inay dalkeeda dib ugu celisay 81 qof oo u dhashay dalka Afgaanistaan, iyagoo raacay diyaarad ka duushay garoonka Leipzig. Waxay ahayd duulimaadkii ugu horreeyay ee noocaan ah oo ay sameyso dowladda cusub ee Jarmalka ee uu hoggaamiyo Reysal wasaare Friedrich Merz. Dowladda ayaa sheegtay iney damacsan tahay in dad badan ey u masaafuriso Afgaanistaan ka dib markii ey wadahadal la yeelatay dowladda Taalibaan oo Berlin eysan si rasmi ah u aqoonsan. Jarmalka ayaa lagu dhaleeceeyay qorshaha uu dadka ugu tarxiili doono Afgaanistaan inkastoo ey jiraan xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo halkaas laga duubay. Wadahadallada u dhexeeya Berlin iyo Taliban ayaa sidoo kale loo arkay mid muran badan dhaliyay.
MAXAAN KA OGNAHAY DUULIMAADKA?
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jarmalka ayaa bayaan aey soo saartay ku xaqiijisay duulimaadyada dib u celinta. “Saaka Jarmalku waxa uu dalkoodii hooyo u tarxiilayaa 81 qof oo u dhashay Afgaanistaan, taas oo qayb ka ah dib u celinta wadajirka ah, waa niman Afgaanistaan ah oo sharci ahaan looga baahan yahay iney dalka ka baxaan, kuwaas oo dambiyo hore u galay. "Dowladda Federaalka waxay sidaas ku dhaqangelinaysaa heshiis muhiim ah oo ka mid ah heshiiska isbaheysiga. Tani waxay qeexaysaa in sidoo kale loo masaafurinayo Afgaanistaan, oo ey ugu horreeyaan dambiilayaasha iyo kuwa khatarta ku ah." War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Jarmalku uu ku tiirsan yahay Qatar taageerada saadka ee howlgalka. Webit-ka Flightaradar24 ayaa sheegay in diyaaradda Qadar Airways oo siday dadka Jarmalka laga Tarxiilay ayaa duushay 8:35-subaxnimo waqtiga maxaiga ah iyadoo loo qorsheeyey iney duusho 7:00-subaxnimo.
SIDEE BUU JARMALKU U WAJAHAY DIB U CELINTA?
In ka badan 10 bilood ka hor, Jarmalku wuxuu dib u bilaabay masaafurinta muwaadiniinta Afgaanistaan ah markii ugu horreysay tan iyo markii Taliban ey la wareegeen awoodda 2021. Markaas-Chancellor Olaf Scholz ayaa ballan qaaday inuu sare u qaadi doono raritaannada magangelyo-doonka la diiday. Ku-xigeenkiisii, Friedrich Merz, wuxuu sameeyay siyaasad adag oo socdaalka tiir muhiim u ah ololihiisa doorashada Febraayo. Wasiirka Arrimaha Gudaha Alexander Dobrindt ayaa sheegay in sidoo kale mamnuucid soo galista iyo degenaanshaha lagu soo rogi doono dadka la tarxiilay. "Tani waa sida aan ku bilaabayno hirgelinta qayb kale oo ka mid ah isbeddelka siyaasadda ee heshiiska isbahaysiga." "Masaafurinta Afgaanistaan waa iney sii socotaa si badbaado leh mustaqbalka. Ma jirto wax xuquuq ah oo ey ku degan yihiin dambiilayaasha waa-weyn ee dalkeena." Afgaanistaanku waxay heleen ilaa €1,000 (qiyaastii $1,160) lacag caddaan ah oo ka timid Dawlad-Goboleedyada Federaalka si ey u dabooshaan kharashaadkoodii ugu horreeyay markay soo laabtaan. Lacagtan ayaa lagu sheegay in lagu xaqiijinayo hubanti sharci ah oo ku aaddan howlgalka sababtoo ah Maxkamadda maamulka Federaalka ee Jarmalka ayaa sheegtay in masaafurinta la xannibi karo haddii qofka soo laabanaya loogu hanjabo xaalad deg deg ah.
ISHA-DW NEWS.