JARMALKA OO DALKIISA KA MUSAAFURIYEY 41-CIRAAQIYIIN AH.
(SAWIRKA)GAARIGA LAGU QAADAY TARXIILKA.
(DENMARK)-Ilaa 43 muwaadiniin Ciraaqi ah ayaa laga soo tarxiilay meel ka baxsan Jarmalka Talaadada maanta ah, iyagoo raacay diyaarad u kireysan iney geyso magaaladda Baqdaad. Wasaaradda Cadaaladda ee gobolka Thuringia ee bariga dalkaasi ayaa sheegtay in dhammaan dadka la tarxiilay ay ahaayeen “Rag Doobab ah” oo laga rabay inay dalka ka baxaan, iyadoo intaas ku dartay in dadkaas qaarkood lagu helay dambiyo ay hore u galeen. Hawlgalka musaafurinta ayaa waxaa ku lug lahaa toddobo Dowladood oo Federaal ah, iyo sidoo kale Booliska Federaalka, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee AFP. Rakaabkii diyaaradda ayaa lagu qaaday Gaadiidka Booliska iyo Basaska Garoonka, ka dibna waxaa si gaar ah u raacay Askar Booliis ah oo jaranjarada diyaaradda soo galaysa, sida uu sheegay sawir qaade Wakaaladda Wararka ee dpa. "Fariintayadu waa caddahay, qof kasta oo aan haysan xuquuq degenaansho waa inuu ka baxaa waddankeena," ayay tiri Beate Meißner, Wasiirka Cadaaladda Thuringia, xubinna ka ah Xisbiga talada haya ee Christian Democratic Party. Jimcihii, Jarmalku waxa uu dib ugu celiyay 81 qof oo u dhashay Afgaanistaan, taas oo ahayd duulimaadkii ugu horreeyay ee noociisa ah oo uu hoos tago xukuumadda Raysal Wasaare Friedrich Merz. Dhinaca kale,Wasiiradda Arrimaha Gudaha ee Midawga Yurub ayaa maanta oo Talaada ah kulan ku yeelan doono caasimadda dalka Denmark ee Copenhagen iyagoo wada hadli doono sida ugu haboo ee loola dagaalami karo Tahriibka iyo dembiyada abaabulan. Wasiiradaas kulmaayo waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gdaha ee Jarmalka Alexander Dobrindt kaaso todobaadkii hore horay ugu ololeynaayey Siyaasadda Socdaalka Yurub ee adag ka dib markii wada hadal uu la yeeshay dhigiisa Midawga Yurub,qodobada uu saarsan yahay Dobridt ayaa ah in dib dalalkooda loogu celiyo mawaadiniinta kasoo kala jeeda Suriya iyo Afgaanistaan ee loo diido in Megengalyadda.
ISHA-DW NEWS. FADLAN HALKAN KALA SOCO WIXI KA SO BAXA SHIRKA DENMARK.