JADWALKA QARANADA Q/AFRIKA EE K/CAGTA OO LA SOO SAARAY.

_119972175_bbc.jpeg

Dalka Kaameruun caasimadiisa Younde ayaa maanta waxaa ka dhacay qora tuurka xulalka qaranka ee kubadda cagta qaaradda Afrika kuwaaso tiradooda eey dhan tahay afar iyo labaatan kooxood,tartankaan ayey ahayd in la qabto sannadkii 2021-kii balse lama qaban waayo waxaa jiray cudurka Covid-19-ka.Dalka Kaameruun oo ah dalka martigelinaayo tartankaan ayaa caasimadiisa waxaa wada joogay cayaartooy caan ka ah qaaradda Afrika iyo caalamkaba sida xidigii hore ee Chelse isla markaasne ahaay xidiga reer Ivor Coast Drogba waxaane cayaaryahankaan lagu sharfay maanta inuu soo qabto magacyada kooxaha si loogu sameey wareego. Afar iyo labaatanka kooxood ayaa loo qeybiyey lix wareeg(A-F) halkii wareegna waxaa kuwada jiro afar kooxood wareega ugu adag oo ah(D) ayaa waxaa kuwada jiro xulalka Masar,Nayjeeriya,Suudaan iyo Gini Bisaw.Tartanka ayaa waxaa lagu qaba doonaa lix garoon oo kala ah: (1)-Paul Biya stadium kuna yaalo caasimadda Younde waxa uuna qaadaa lixdan kun(60) oo daawade. (2)-Ahmadou Ahido stadium oo ku yaalo caasimadda. (3)-Japoma stadium oo ku yaalo(Doula). (4)-limbe Stadium oo ku yaalo(Limbe). (5)-Kouek Stadium oo ku yaalo(Bafoussam). (6)-Roumde Stadium oo ku yaalo(Garoua). Tartankaan ka dhacaayo dalka Kaameruun waa kii 33-aad ee uu qabto xiriirka kubadda cagta qaaradda afrika(Caf) waxa uuna bilaaban doonaa sagaalka bisha koobaad ee sannadka soo socdo-2022-ka(9/1/2022)-ka waxa uuna soo dhammaan doona lixda bisha labaad ee sannadka dambe-2022-ka(6/2/20220-ka. Yaad u malaynaysaa inuu ku guulaysan doono tartankaan?

Previous
Previous

NIN TALYAANIGU RAADINAAYEY OO LAGU XIRAY DUBAI.

Next
Next

FALCELINTII LAGA SAMEEYEY QABSASHADII DHAALIBAAN QABSATAY AFGAANISTAAN.