JADWALKA DOORASHADA GUDOONKA WAKIILADA KGS.
(SAWIRKA)-JADWALKA DOORASHADA KGS.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Wararka ka imanaayo xarunta gudiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa sheegaayo in Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ey soo saareen jadwalka rasmiga ah ee doorashada hoggaanka iyo Goddonka Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo la guda geli doono marxalad cusub oo la xiriirta hannaanka doorashooyinka dalka. Sida ku cad jadwalka uu guddigu baahiyay, qabashada iyo diiwaangelinta musharrixiinta Guddoonka Golaha Wakiillada ee Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenada ayaa bilaaban doonta 2-da Juun, halka liiska musharrixiinta la shaacin doono 3-da Juun, Doorashada xubnaha Guddoonka ayaa lagu wadaa inay dhacdo 4-ta Juun. Dhanka kale, tartanka hoggaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa furmi doona 5-ta Juun/26, iyadoo musharrixiinta xilkaas isku diiwaangelin doonaan muddo laba maalmood ah. Liiska kama dambaysta ah ee musharrixiinta ayaa la shaacin doonaa 7-da Juun/26, halka hadal-jeedinta musharrixiinta loo qorsheeyay 8-da Juun/26. Doorashada Gudoonka Golaha Wakiiladda ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa muran aad u adag waxa uu ka taagan yahay qaabka loo soo dooranaayo, Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa rabta in Doorashada Gudoonka iyo ku xigeenadiisa iney u dhacdo qaab ah Gacan Taag si loo Ogaado cida khiyaaneysa Xisbiga JSP halka Xisbiyadda kale ey qabaan in doorashada laga dhigo mid Qarsoodi ah sidii ey horayba u ahaan jirtay.
ISHA-HOL..