ITOOBIYA OO KU CABAADAY BEESHA CAALAMKA,SABAB?

(SAWIRKA)-WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA ITOOBIYA GEDIO.

(ADDIS ABABA)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Gedion Timothewos ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay inay kala gartaan oo ay kala saaraan Qas-wadayaasha Heshiiskii Nabada ee Pretoria ee dalka Koonfur Afrika ama COHA iyo kuwa isku dayaya inay si daacad ah u fuliyaan heshiiska, taageerana habka loo socdo. Wasiirka oo maanta warbixin ka siinayay Laaliyada Diblumaasiyadeed ee Addis Ababa ayaa faah faahin ka bixiyay Xadgudubyo badan oo lagu sameeyay Heshiiskii Pretoria ee koox ka tirsan kooxda TPLF, wuxuuna Wasiirku ku baaqay in si deg deg ah loo taageero Beesha Caalamka si looga hortago in colaada dib usoo laabato. Gedion Timothewos wuxuu soo bandhigay dhowr "Khalad-jebin" ah oo ka mid ah Heshiiskii Pretoria, isagoo ku eedeeyay koox ka tirsan TPLF inay isku dayeen inay burburiyaan maamulka ku meel gaarka ah iyagoo adeegsanaya rabshado, inay la shaqeeyaan Ciidamada Shisheeye ee cadowga ku ah Itoobiya, iyo dib u dhigista dadka gudaha ku barakacay. Waxa kale oo uu Wasiirku iftiimiyay habacsanaanta ku habsatay hub ka dhigista, ka saarista iyo dib u soo celinta iyo diidmada ku dhaqanka awaamiirta Komishanka Doorashooyinka Qaranka. "Kuwani maaha kaliya jebinta yaryar; waa xadgudubyo waaweyn oo khatar gelinaya aasaaska Heshiiska Pretoria," Gedion ayaa carabka ku adkeeyay. Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa dhaleeceeyay hadallada eedaynaya labada dhinac, isagoo ku dooday in hadallada noocaas ah ay dhiirri-gelinayaan Wakiillada Qaska wada, isla markaana wiiqaya dadaallada lagu doonayo in lagu meel mariyo heshiiska. Haddaba, waxa uu ku booriyay bulshada diblumaasiyadda inay kala saaraan kuwa Qas wadayaasha ah iyo kuwa sida daacadda ah uga shaqaynaya dhaqan gelinta heshiiska, isagoo ku nuux-nuux saday in sinaanta labada dhinac ay dhiirigelinayso Qas-wadayaasha nabadda. "Beesha Caalamku waa inay si dhab ah uga fiirsato inay ugu yeeraan baaba'a," Gedion ayaa xusay. Dhankiisa Madaxa ku meel gaarka ah ee Gobolka Tigay Getachew Reda ayaa si faahfaahsan uga warbixiyay xaalada amaan ee gobolka Tigray oo sii xumaanaysa. Wuxuu daaha ka qaaday in koox ka tirsan kooxda TPLF ay xoog ku qabsadeen dhismihii maamulka, isla markaana ay Ururiyeen Masuuliyiintii Maamulka ku meel gaarka ah loo magacaabay, waxayna rabshado u adeegsadeen dibad baxayaasha. "Waxaan gaarnay heer maamulka KMG ah uusan qaban karin howl maalmeedkiisa," ayuu yiri Guddoomiyaha KMG ah. Getachew ayaa ka digay in xaaladdu ay horseedi karto burbur buuxa oo sharciga iyo kala dambeynta ah, lagana yaabo inay dib u huriso colaad. Waxa uu sidoo kale walaac ka muujiyay ku lug lahaanshaha jilayaasha dibadda, isaga oo ku tilmaamay isku darka sunta ah ee adkeynaya dadaallada lagu xasilinayo gobolka. Madaxa ku-meel-gaarka ah ee maamulka ayaa carabka ku adkeeyay baahida loo qabo taageero caalami ah si wax looga qabto xaaladda amni ee sii xumaaneysa. Getachew ayaa faah faahin ka bixiyay kala qaybsanaanta gudaha ee ka dhex jirta Hogaanka Tigrayga, gaar ahaana Xisbiga Tigray People’s Liberation Front (TPLF), taasoo qayb wayn ka qaadanaysa xasilooni darada. Waxa uu daboolka ka qaaday in garab ka mid ah ay taageero ka dalbadeen ciidamo shisheeye, taasoo sii murjineysa xaaladda. "Tani ma la wadaagto xubin kasta oo hoggaanka ka tirsan, laakiin xubno yar oo saameyn leh ayaa ku raaxaysta khiyaaligan," ayuu daaha ka qaaday. Madaxa maamulka ku meel gaarka ah ayaa ugu baaqay dawlada dhexe inay qaado talaabo cad oo ay Tigray kaga ilaalinayso khataraha dibadeed iyo in lala xisaabtamo kuwa carqaladaynaya maamulka ku meel gaarka ah. Getachew ayaa ku nuux-nuux saday baahida loo qabo in Dowladda Federaalka ay difaacdo Xuduudaha Caalamiga ah, isla markaana ay ka hortagto dib u soo laabashada colaadaha. Xog-waraneedkan oo kooban ayaa hoosta ka xariiqay baahida deg dega ah ee loo qabo dadaallada la isku duba rido ee lagu xasilinayo Gobolka Tigray si buuxdana loo dhaqan geliyo Heshiiskii Pretoria. Dhanka kale, labada mas’uul ayaa rajo ka muujiyay in haddii Beesha Caalamka ay taageerto, isla markaana tallaabo adag laga qaado dowladda federaalka, in nabad iyo xasillooni lagu soo dabaalo Gobolka.

ISHA WARAKA-ENA.

Previous
Previous

SUDAN OO MAMNUUCDAY BADEECADA KAGA TIMAADA KENYA.

Next
Next

SOO JEEDIN EY ISKA DIIDEEN SOOMALIYA IYO SUDAN.