ISRAEL OO DADKEEDA UGA DIGTAY INEY SAFRAAN SOMALILAND.

(MUUQAALKA)-GAROONKA DIYAARADAHA BEN GURION EE TEL AVIV.

(TEL AVIV/ISRAEL)-Golaha Amniga Qaranka Israa’iil ayaa soo saaray digniin cusub oo ku saabsan khataraha amni ee Israa’iiliyiinta iyo Yuhuudda ku wajahan meelaha ka baxsan Israa’iil, oo Somaliland ku jirto, iyaga oo sheegay in Xuutiyiintu ay doonayaan in ay beegsadaan Israa'iiliyiinta u socda Somaliland. Sida ay baahisay warbaahinta Israel ee i24NEWS, Golaha ayaa sheegay in kooxaha argagixisadu ay kordhiyeen dadaallada ay ku beegsanayaan Israa’iiliyiinta iyo Yuhuudda, iyadoo khatartu ay ka jirto dalal iyo gobollo kala duwan oo caalamka ah. Goluhu waxa uu Somaliland, Urdun, Qatar iyo Masar, oo ay ku jirto Jasiiradda Sinai, ku daray dalalka leh heerka 4-aad ee digniinta safarka, isaga oo kula taliyay muwaadiniinta Israa’iil inay gebi ahaanba ka fogaadaan dalalkan iyo goobahan. Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in kooxo ay ka mid yihiin Xisbullah, Xamaas, Daacish iyo Al-Qaacida ay weli wadaan hanjabaado iyo baaqyo ka dhan ah Israa’iiliyiinta iyo Yuhuudda. Golaha ayaa intaa ku daray in Xuutiyiintu ay sidoo kale ku baaqeen in la waxyeelleeyo Israa’iiliyiinta ku sugan Somaliland iyo meelo kale oo Afrika ah, taas oo ay ku sababeeyeen joogitaanka Israa’iil ee qaaradda. Digniintan ayaa kusoo beegmaysa xilli Golaha Amniga Qaranka Israa’iil uu sheegay in ay dunida ka kordheen weerarrada ay fuliyaan shaqsiyaad kaligood ah oo badhtilmaameedsanaya Israa’iiliyiin iyo Yuhuud. Meelaha Mamnuuca ka ah dad Israa’iiliyiinta ah sida ku cad sharciga Isael,safarka ayaa weli ah mid sia adag looga mamnuucay Mawaadiniinta Israel iyo kuwa haysto labada dhalasho ee u socdaalaayo wadamadda kala ah”SURIYA, LUBNAN, IRAN, YEMEN iyo CIRAQ”. Gobolada ama dalalka ey khatartoodu tahay mid heerka dhexaad ah sida “IMAARAATKA, K/AFRIKA, SACUUDIGA, AZERBAJAN, GEORGIA, ARMIINIYA”, waxa ey u baahan yihiin taxadar heer hoose ah marka ey u safrayaan.

ISHA-HOL.

Previous
Previous

GUDIGA MADAXA BANAN EE DOORASHADA OO LA HADLAY AFHAYEENKA GOLAHA SHACABKA EE BJFS.

Next
Next

DFS IYO MUCAARADKA OO LA FILAAYO INEY GAARAAN HESHIIS.