INGIRIISKA OO XABSIGA DHIGAY DAD LOOGA SHAKIYEY FALAL ARGAGIXISO.
(SAWIRKA)-CALANKA INGIRIISKA.
(LONDON)-Xarigan ayaa qayb ka ahaa howlgal amni oo si taxaddar leh loo qorsheeyay, kaas oo ay ku jireen guryaha tuhmanayaasha ee ku yaal aagagga Barnet iyo Watford, halkaas oo hadda lagu baarayo Sharciga Amniga Qaranka ee UK. War rasmi ah oo ay soo saareen booliska maanta (Jimcaha) ayaa lagu sheegay in xariga uu dhacay aroortii hore ee saaka howlgal qorsheysan oo ay ku jireen weerarro lagu qaaday guryo ku yaal Barnet iyo Watford, waqooyiga London, iyo Hertfordshire. Sida laga soo xigtay booliiska Ingiriiska, dadka la xiray waa: nin Iiraani ah, iyo saddex qof oo British-Iiraan ah oo laba dhalasho haysta, da'dooduna u dhaxayso 22 iyo 55. Booliska ayaa sidoo kale xiray lix qof (da'doodu u dhaxayso 20 iyo 49) oo ku sugan aagga Harrow iyagoo looga shakisan yahay inay gacan ka geysteen mid ka mid ah dadkii ku lugta lahaa kiiska. Tani waxay tirada guud ee dadka lagu soo qabtay howlgalka ka dhigaysaa toban. Waxaa lagu soo oogay dacwado ku saabsan Qaybta 3aad ee Xeerka Amniga Qaranka ee 2023, kaas oo la xiriira "caawinta hay'ad sirdoon oo shisheeye," gaar ahaan la socodka goobaha iyo shakhsiyaadka la xiriira bulshada Yuhuudda ee aagga London. Helen Flanagan, oo ah madaxa booliiska la dagaallanka argagixisada ee London, ayaa sharraxday in hawlgalku uu daba socday baaritaan dheer, iyadoo ku nuuxnuuxsatay in ujeeddadiisu ay ahayd in la carqaladeeyo wax kasta oo suurtagal ah oo khatar gelin kara amniga dadweynaha. Waxay intaas ku dartay, "Waxaan aqoonsannahay in arrimahan ay sababi karaan walaac, gaar ahaan bulshada Yuhuudda dhexdeeda. Waxaan ku boorrinaynaa qof walba inuu feejignaado oo uu soo sheego wax kasta oo laga shakiyo." Booliska Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday in tuhmanayaasha ay la socdeen goobaha iyo dadka lala xiriiriyay bulshada Yuhuudda, taasoo khubarada amnigu ay u arkeen isku day lagu carqaladeynayo dalka iyo in saameyn shisheeye lagu sameeyo dhulka Ingiriiska.
ISHA-WAKAALAD.