IMAARATKA OO WELI KA SAARIN CIIDANKIISA JASIIRADDA SUQATRA’A.

(SAWIRKA)-CIIDAMADA IMARATKA EE SUQATRA.

(SUQATRA/YEMAN)-Ilo wareedyo maxalli ah iyo kuwa warbaahineed ayaa xaqiijiyay in ciidamada Imaaraatka aysan weli ka bixin Jasiiradaha Soqatra, inkastoo Abu Dhabi ay ku dhawaaqday inay dhammaan ciidamadeeda kala baxayso dalka Yemen, ka dib markii ay Golaha Hoggaanka Madaxweynuhu u qabteen in ciidamada Imaaraatka laga saaro dhulka Yemen muddo dhan 24-saacadood. Sida laga soo xigtay ilo-wareedyadu, saraakiisha Imaaraatka ayaa wali maamulaya Amniga iyo Siyaasadda Jasiiradaha iyagoo kormeeraya hawlaha Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfureed, iyadoo ay sii kordheyso xiisadda dhulka oo ay ku jiraan dibadbaxyo soo noqnoqda oo ka dhacay Xadibu oo ah caasimadda gobolka, oo ku hor yaal xarunta dhexe ee ciidamada Sacuudiga ee ka qayb qaadanaya Hawlgalka 808. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dibadbaxyadan ay la socdeen heeso ka dhan ah Riyadh, marka lagu daro taageerada saadka ee ka qaybgalayaasha, iyadoo la isku dayayo in ciidamada Sacuudiga lagu cadaadiyo inay ka baxaan halkii ay ka hirgelin lahaayeen ka bixitaanka Imaaraadka. Ilo-wareedyadu waxay xaqiijiyeen in calanka Golaha Ku-meel-gaarka Koonfureed iyo calanka Imaaraadka Carabta ay weli ka taagan yihiin dhismayaasha rasmiga ah ee Soqatra, oo ay ku jirto dhismaha maamulka maxalliga ah.  Dowladda Yemen ma aysan soo saarin wax caddayn rasmi ah oo ku saabsan goobaha ama marxaladaha ay ka baxeen Imaaraadka. Ilo kale oo xog ogaal ah ayaa shaaca ka qaaday isku dayo dhexdhexaadin ah oo aan la shaacin, kuwaas oo Abu Dhabi, iyada oo loo marayo Cumaan iyo Masar, ay ku doonaysay inay ku qanciso Sacuudi Carabiya inay aqbasho joogitaanka sii socda ee ciidamadeeda ee Jasiiradaha, iyagoo ka faa'iideysanaya goobta Juqraafiyeed ee fog ee Soqatra iyo mashquulka warbaahintu ku hayso horumarka amniga iyo siyaasadda ee gobollada kale ee Yemen.

Previous
Previous

GOLAHA XUKUMADA XUUTIYIINTA YEMAN OO KA SHIRAY AQOONSIGA ISRAEL EE SOOMALILAND.

Next
Next

SOOMAALIYA IYO SACUDIGA OO KA WADA HADLAY XIRIIRKOODA.