IMAARAATKA CARABTA IYO MUSLIMIINTA YURUB.
(SAWIRKA)-MANCHESTER.
(LONDON)-Masjid ku yaalo magaaladda Manchester ee dalka Ingiriiska ayaa calaamad dusha looga dhejiyey gudaha baraha bulshada sannadkii 2017-kii ka dib markii uu qarax ka dhacay magaalada Manchester. Dalka Imaaraatka Carabta ayaa Masjidka ku qaaday olole sumcad dil sidaas waxaa ogaaday Wargayska Middle East Eye. Ololaha sumcad dilka ee uu wado dalka Imaaraadka Carabta kuna qaaday Masjidka Manchester ayaa waxaa uga wakiil ahaay shirkad laga leeyahay dalka Swiss,shirkadaan ayaa sameeysay been abuur la xiriira in Qaraxii ka dhacay magaaladda Manchester laga soo abaabulay Masjidka Magaaladda eyna ka dambeeyeen kooxaha Walaalaha Muslimiinta.
ISHA/MEE.