IMAAM MASJID OO LAGU MINDIYEY…

MASJIDKA CUMAR BIN AL-KHADHAAB.

(NEW JERSEY)-Masaajid ku yaalo gobolka New Jersey ee dalka Maraykanka ayaa waxaa lagu dhex mindiyey Imaamkii Masjidka isaga oo dushinaayo Salaadii Subax maalintii shalay oo Axad ahayd (9/4/23)-ka sida laga soo xigtay maamulka gobolka New Jersey iyo Jaaliyadda Muslimiinta ah. Dhibka ayaa waxa uu ka dhacay Masaajidka Cumar Bin Al-khadhaab oo ku yaalo Paterson ee gobolka New Jersey ee daka Maraykanka Subaxnimadii Axada saacadu markeey ahayd(5:30)-kii subaxnimo,markii uu Imaam Sayed Naqiib iyo Jamaacadda uu dushinaayey Salaada Subax oo tiradoodu dhammeed 200-qofood kuwaaso jilbaha dhulka dhigay isuna diyaarinaayey ineey foolka dhulka dhigaan ayaa nin horey ula soo dhaqaaqay mindi uu watay waxa uuna gadaal kaga dhiftya Imaam Sayid Naqiib waxa uuna isku dayey inuu goobta ka baxsado balse waxaa qabtay dadkii uu dushinaayey Imaam Naqiib. Xafiiska garsoorayaasha ee degmada Passaic ayaa xaqiijiyey in magaca ninka gaystay weerarka la yiraahdo Serif Sorba waane 32-jir waane la xiray waxa uuna ku edeysan yahay isku day dil ee darajada koobaad.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SI AKHRI.

Previous
Previous

XOGHAYAHA GUUD EE QM OO SOO GAARAY..

Next
Next

HOOBIYE KU HABSADAY GURI WASIIR.