ILAALADA XEEBAHA SOOMAALIYA EE MIDAWGA YURUB..

(SAWIRKA)-BURCAD BADEED SOOMAALIYEED.

(LONDON)-Wararka ka imaanayo Xeebaha maamulka Puntland ayaa sheegaayo in halkaasi lagu afduubay Markab ey iska leedahay Dawladda Shiinaha,Markabka ayaa waxaa afduubtay rag hubeysan oo watay qoriga AK-47 tiradooduna ey dhan tahay ilaa 18-Qof. EUNAVFOR oo ah Hawlgalka Midawg Yurub ee la socdo Amaanka Xeebaha Geeska Afrika ayaa xaqiijiyey in burcad badeed hubeysan ey qafaasheen Markab Kallumeysi oo laga leeyahay dalka Shiinaha waqti uu ku sugnaay Xeebaha Puntland. Markabkaan ayaa todobaad ka hor waxaa ka hadlay Warbaahinta Gudaha ee dalka Soomaaliya eyna ka mid yihiin Boggaga Puntlandpost iyo Bogaan Suuqbacaad Media oo labaduba sheegay in afduub ka dhacay Xeebaha Puntland,waxayne labada warbaahin isla xuseen in Markabka la afduubay uu watay Calanka Jazeeradda Taiwan,sidoo kale,waxaa la xusay in Markabka la afduubay uu haystay Ogolaansho ey siisay Dawladda Gobleedka Puntland,masuuliyiin iyo Ganacsato reer Puntland ah ayaana wakiil ah Markabka la afduubay,raga la leeyahay maanta waa Burcad Badeedna waa ragii Markabka ilaalinaayey ee hubeysnaa eyna ka warqabto Dawlad Goboleedka Puntland. Ganacsade Maxamud Shiddo iyo Senitar Daahir Ayaanle ayaane wakiil ka ah Markabka laga leeyahay Shiinaha,waxaane Shati Kaluumeysi siisay Xukuumadda uu Hogaamiyo Siciid C/laahi Deni.

ISHA-SB-MEDIA

Previous
Previous

SOOMAALIYA OO KA HADASHAY CIIDAMADA ITOOBIYA EE…

Next
Next

MARKAB CILADI KU GASHAY BADDA CAS IYO…