MADAXWEYNE ISMAACIIL IYO RW-ABYE OO…
Waxaa maanta oo Axad ah dalka Jabuuti ka furmay shirkii 38-aad ee urur goboleedka IGAD ururkaasoo eey xubno ka yihiin Soomaaliya,Jabuuti,Kenya,Uganda,itoobiya,Sudaan,koonfurta Sudaan iyo Eritereeya arrinta ugu muhiimsan kulanka maanta ayaa ahayd in la is hor fadhiisiyo hogaamiyeyaasha dalalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Iyo hogaamiyaha Kenya Uhura Kenayata oo waqtugaan la joogo aan lahayn wax xiriir siyaasdeed ah lagana cabsi qabo in xuduudka labada dal uu ka dhaco dagaal ka dib markii labada dal eey soo dhibeen ciidamo fara badan. Dawladda soomaaliya ayaa dalka Kenya ku eedeeyey inuu faraha kula jiro arrimaheeda gudaha loona baahan yahay ineey faraha kala baxaan eedeyntaas loo jeediyey Kenya waa eey iska dafartay balse xukuumadda soomaaliya ayaa ku adkaysanaysa in kenya qas ka wado gudaha soomaaliya.
Tv-ga ku hadala afka carabiga ee Aljazeera ee xaruntiisa tahay Dooxa ee dalkaas Qadar ayaa soo qoray in madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele iyo raysal wasaaraha itoobiya Abiy Axmed ineey ku guulaysteen ineey is hor fadhiisiyaan Farmaajo iyo Uhuura kenyaata ayadoo eeysan goobta joogin wax warbaahin isla markaasne dhegaystaan tabashooyinka eey kala qabaan labada hogaamiye,waxaane xusid mudan in Farmaajo Abiy Axmed kulmeen ka hor inta aan la is hor fadhiisin Farmaajo iyo Uhuura taasoo inta badan dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda u macneeyeen in Madax.Farmaajo go’aankiisa yahay mid uu ka dambeeyo Abiy Axmed oo eey yihiin saaxibo aad isugu dhaw kana wada tirsan dawladaha seddexda ah kalana ah Soomaaliya,Itoobiya iyo Eritereeya,hadaba sida uu sheegay Tv-ga Aljazeera waa la xaliey dhibaatadii dhextiilay soomaaliya iyo Kenya wax walba oo u dhexeeyeyne nqon doonaan kuwa caadi ah. XIGASHO ALJAZEERA.