HOYGII KABA-KU-DUKADE OO LA GAARAY…

CIIDAMADDA XOOGA DALKA SOOMAALIYEED.

(MUQDISHO-SOMALIA)-Ciidamadda Dawladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan gobolka Galgaduud iyo xoogaga degaanka oo wada jiro ayaa gudaha ugalay degaano cusub oo ey kooxda Khawaarijta maamulaysay muddo fog, ciidamadda ayaa la soo sheegay iney gaareen degaanka Ceel-Duqaw oo hal kiilomitir u jiro degaanka lagu magacaabo Bud-Bud halkaaso saldhig u ahaay Hogaamiyaha Khawaarijta u qaabilsanaay Gobolka Shabeelada Dhexe Waa Kaba-Ku-Dukade, degaankaan Ceel-Duqaw ayaa hoostago degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud,degaankaan ayey kooxda Khawaarijta isaga carartay ka dib markii ey Khawaarijtu maamulaysay in ka badab 15-sano,waxa uuna degaankaan Waqooyi kaga beegan yahay Degmada Galcad oo maalmo ka hor ey ciidamadda dawaldda kala wareegeen kooxda Khawaarijta. Ciidamadda DFS ayaa sii maray degaanka lagu magacaabo Bud-Bud kaaso kooxda Khawaarijta baneeyeen inta eysan soo gaarin ciidamadda dawaladda,saraakiisah hogaaminayso ciidamadda DFS oo u waramay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in degaanka Ceel-Duqaw loogu tegay baabuur ey kooxda Khawaarijta isaga carartay kuwaaso garaayo laa seddex baabuur.

ISHA: SBMEDIA.

Previous
Previous

5-QOFOOD OO KU DHIMATAY TOOGASHO…

Next
Next

KANADA-NIN WEERARAY MASJID.