HOOS U DHAC KU YIMID IIBSIGA GURYAHA TURKIGA.
(SAWIRKA)-MAGAALADDA ISTANBUL-TURKEY.
(ANKARA-TURKEY)-Dalka Turkiga waxa uu ka mid yahay wadamadda ey dadka Soomaaliyeed ey ka iibsadeen Guryaha kuna leeyihiin Ganacsiyo fara badan marka la barbar dhigo dalalka qaarkood ey degan yihiin dadka Soomaaliyeed. Soomaalida ma aha kaligood dadka Guryaha ka iibsaday dalka Turkiga ee waxaa jira dadyaw kale oo iyagana Turkiga ka iibsada Guryo,wadamadaasi waxaa ka mid ah Ruushka.Iraan iyo Yukreyn oo noqday kuwa ey dadkooda Turkiga ka iibsadeen Guryihii ugu badnaay, waxa eyna kala galeen kaalimaha 1-aad iyo 2-aad ka dib markii la sameeyey tira koob. Tira koob la sameeyey ayaa muujiyey in Ajaaniibta ey sannadkii hore 2024-kii dalka Turkiga ka iibsadeen 23,781-guri iyadoo ey liiska iibsashada uu ugu sareeyo dalka Ruushka. sannadkii tegay 2024-kii,1.48-Milyan oo Guri ayaa laga iibiyey dalka Turkiga,taaso ka dhigan iney korortay 20.6% marka loo fiiriyo sannadkii 2023-kii,sida ey sheegtay Hayadda Tira koobka ee dalka Turkiga TURKSTAT Talaaladda maanta ah. Istanbul oo ah magaaladda ugu dadka badan dalka Turkiga ayaa sannadkii hore 2024-kii ku leheed qeyb libaax dhinaca iibka Guryaha 16.2% ama 239,213 Guri ayaa laga iibsaday, waxaane ku xigtay Caasimadda Ankara oo la iibsaday 134,046-guri ama 9% iyo magaaladda Aegean ee Izmir ayaa iyadana laga iibsady 80,398-guri ama 5.43%. Iibka Guryaha ee Ajaanibta ayaa Hoos u dhacay 32.1% sannadkii inaga tegay 2024-kii,arrintaan ayaa loo sabababeynaa iney tahay dhinaca sharciga dalka Turkiga oo la adkeeyey iyo dad fara badan oo Ajaanib ah oo laga soo Tarxiilay dalka Turkiga,sannad walba Turkiga waxaa laga iibsan jiray 23,781-Guri. Istanbuul ayaa kaalinta koobaad ka gashay iibka Guryaha ee Ajaanibta sannadkii tegay 2024-kii waxaane laga iibsaday guryo dhan ilaa 8,416-guri,waxaa ku xigtay magaaladda loo Dalxiiska tago ee dhacada Miditereeniyaanka ee Antalya oo laga iibsaday 8,223-guri ka dibne Meris oo sidoo kale ku taalo Miditereeniyaanka ayaa laga iibsaday 2,112-guri. Mawaadiniinta u dhalatay dalka Ruushka waxay iibsadeen 4,867-guri oo ku yaalo dalka Turkiga sannadkii 2024-kii,waxaane ku xiga Mawaadiniinta dalka Iraan oo iibsaday 2,166-guri iyo Mawaadiniinta dalka Yukreyn oo Iibsaday 1,631-guri. Tirada iibka guryaha(Mortgage-Deynta) ayaa hoos u dhacday 10.8% ilaa 158,486-guri sannadkii 2024-kii,halka iibka guryaha kale uu dhan yahay 1.32-Milyan ilaa 25.9%. Ilaa 484,461-guri oo la iibiyey sannadkii hore 2024-kii ayaa cusbaay halka 993,564-guri ey ahaayeen kuwa hora loo lahaa. Bishii Disembar-2024-kii iibka guryaha ee dalka Turkiga waxa uu kordhay 53.4% ilaa 212,637-guri.
ISHA-WAKAALADO