HOOBIYEYAAL LAGU TUURAY MUQDISHO.

(SAWIRKA)GURI UU KU DHACAY HOOBIYE MAANTA OO AXAD MAGAALADDA MUQDISHO.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Muqdisho maanta oo Axad ah(1/10/23)-ka ayaa sheegayo in tiro hoobiyeyaal ah saakay lagu tuuray degmooyin ka tirsan G/banaadir,hoobiyeyaasha ayaa dad shacab ah waxa ey u gaysteen dhimasho iyo dhaawac,weerarkaan la sheegay iney ku dhimatay hooyo Uur lahayd eyna ku dhaawacmeen shan qofood oo kale. Hoobiyeyaasha oo garaayo ilaa sideed ayaa la sheegay in laga soo tuuray degmada Kaxda ee G/banaadir,xubnaha fuliyey weerarka ayaa la sheegay iney ahaayeen maleeshiyo ka tirsan kooxda Alshabaab oo wadatay baabuur aan weli la sheegin nuuca uu ahaay dabadeedna isaga cararay goobta ey ka rideen hoobiyeyaasha. Magacyada dadka dhaawacmay oo aan helnay ayaa kala ah: (1)-Ijaabo Mahad Cabdalla oo 15-jir ah. (2)-Qadro Mahad Cabdalla oo 10-jir ah,sida muuqato waa laba gabdhood oo walaala ah. (3)-Axmed Mocow Cali oo 7-jir ah. (4)-Muuno Mocow Cali oo 2-jir ah labadaane waa walaalo iyagane. (5)-Fardawsa Axmed Baareey oo 28-jir ah.

ISHA/CAASIMADDA.

HALKAN KA SI AKJHRISO.

Previous
Previous

CIIDAMADDA ATMIS OO KU BIIRAY DAGAALKA CIID-CIIDKA.

Next
Next

XEER ILAALINTA OO RACFAAN KA QAADATAY…