HOGAANKA SIYAASADDA XAWAADLE OO LA KULMAY CALI GUUDLAAWE.

(MUQAALKA)-HOGAANKA SIYAASADDA XAWAADLE.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Golaha Sare ee Siyaasadda Beesha Xawaadle, oo uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble. Kulanka oo ka dhacay hoyga ololaha madaxweynaha Hirshabelle ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay ku-xigeenka Golaha Qoone, guddoomiyayaashii hore ee gobolka Hiiraan Muuse Salaad iyo Cabdifataax Afrax, iyo xildhibaan Maxamed Ganeey. Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle ahna guddoomiyaha Golaha siyaasadda beesha Xawaadle, Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa madaxweynaha gaarsiiyay hambalyo, iyagoo sheegay inay si buuxda u garab taagan yihiin, isla markaana ay ka qeyb qaadan doonaan doorashada qof iyo codka ah. Cali Cosoble ayaa sheegay in khaladaadkii hore wax weyn laga bartay, isla markaana loo baahan yahay in la sii dhiso maamulka Hirshabeelle, lana saxo wixii tabasho iyo qaladaad ah ee jira. Cosoble ayaa xusay in xilalka siyaasadeed aysan qof gaar ah u qornayn, balse ay ku xirnaan karaan kartida qofka, taageerada bulshada iyo sida uu uga shaqeyn karo horumarka deegaankiisa. Dhanka kale, wuxuu sheegay in Xawaadle ay garab taagan yihiin maamulka Hirshabeelle, isla markaana ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan cid kasta oo hoggaanka maamulka ka mid noqota. Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa uga mahadceliyay Golaha siyaasadda beesha Xawaadle hambalyada, isagoo sheegay in kulanku muujinayo midnimo iyo wadajir siyaasadeed. “Waan idinka guddoomay hambalyada. Kulankaan waa Hirshabeelle mideysan, wadajir ayaan u guuleysanay,” ayuu yiri madaxweynaha Hirshabeelle. Cali Guudlaawe ayaa uga mahadceliyay Golaha Sare ee Siyaasadda Beesha Xawaadle taageerada ay u muujiyeen. Warkan ayaa ku soo beegmay, iyadoo maanta ugaaska guud ee beesha Xawaadle iyo masuuliyiin uu kamid yahay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ay gaareen magaalada Beledweyne, iyagoo uu halkaas uga ka furmayo shir looga hadlayo mowqifka beesha ee doorashada Hirshabeelle.

ISHA-HOL.

Previous
Previous

MAGAALOOYIN IYO GOBOLO MARAYKAN AH OO DACWAD KA GUDBIYEY TRUMP.

Next
Next

MW-TRUMP OO DANJIRE CUSUB U SOO MAGACAABAY DALKA SOOMAALIYA.