(MUUQAALKA)-CALI JEYTE IYO SAMBALOOSHE.
(B/WEYNE-HIIRAAN)-Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan, ayaa weerar afka ah ku qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), isaga oo ku eedeeyay inuu dano gaar ah ka leeyahay arrimaha ka taagan gobolka Hiiraan iyo mowqifka Ugaaska dhaqanka. Cali Jeyte ayaa sheegay in laba shaqsi oo uusan magacyadooda si toos ah u sheegin ay ku hareeraysan yihiin Ugaaska, isla markaana ay doonayaan inay arrimaha bulshada u adeegsadaan dano gaar ah. “Mas laba carable ah oo meyti wato ayaa Ugaaska ku duuduuban, waxa uu raadinayo waa dan u gaar ah. Waa dhab, way jirtaa tabashada dadkeenna, waana diyaar inaan xal u raadino,” ayuu yiri Cali Jeyte. Sidoo kale, wuxuu farriin toos ah u diray Ugaaska dhaqanka, isaga oo ugu baaqay inuu xaqsoor sameeyo, kana fogaado in magaca bulshada loo adeegsado dano gaar ah. “Ugaasoow, cadaalad ayaa faracaaga lagu yaqiinay, ma aqbaleyno in maalin walba shaar loo soo gashado ummadda. Ninka kula jooga qaraabo hoose ayaan nahay, bannaanka soo dhig,” ayuu yiri. Dhanka kale, Cali Jeyte ayaa sheegay in tabashooyinka ka jira gobolka Hiiraan ay yihiin kuwo dhab ah oo u baahan in si wadajir ah xal loogu raadiyo, isaga oo muujiyay inay diyaar u yihiin in arrimahaas laga wada shaqeeyo. Hadalladan ayaa imanaya xilli ay weli taagan tahay xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee gobolka Hiiraan, gaar ahaan khilaafka la xiriira maamulka Hirshabeelle iyo mowqifka hoggaanka dhaqanka ee gobolka.
ISHA-RISAALA.