HESHIIS IS AFGARAD EY KALA SAXIIXDEEN SOOMAALIYA WEST VIRGINA.

(SAWIRKA)SAXIIXAYAASHA HESHIISKA AFGARADKA AH.

(WEST VIRGINIA/USA)-Dowladda Soomaaliya ayaa heshiis is-afgarad ah(MOU) la saxiixatay Gobolka Galbeedka Virginia ee dalka Maraykanka heshiiskaas oo ku saabsan horumarinta Macdanta muhiimka ah, sida lagu sheegay War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta ee Soomaaliya. Heshiisku wuxuu diiradda saarayaa iskaashiga sahaminta, soo saarista, farsamaynta, iyo horumarinta macdanta muhiimka ah. Ujeeddadiisu waa in la dhiso qaab-dhismeed kor u qaadaya maalgashiga, is-weydaarsiga aqoonta farsamada, iyo horumarinta silsiladda qiimaha macdanta ee Soomaaliya. Heshiiska waxaa Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta, Daahir Shire Maxamed, halka Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Galbeedka Virginia, Kris Warner, uu u saxiixay dowladda Mareykanka. Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, iyo Wasiirka Batroolka ayaa hoggaaminayay wafdi maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Mareykanka si ay u sahamiyaan fursadaha maalgashiga. Horraantii bishan, Muqdisho waxay martigelisay kulan dhexmaray maalgashadayaasha Mareykanka iyo mas'uuliyiinta dowladda Soomaaliya si looga wada hadlo fursadaha ka jira qaybta kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya. Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta ayaa sheegtay in heshiisku uu qayb ka yahay dadaallada ballaaran ee lagu doonayo in si mas'uuliyad leh oo hufan looga faa'iidaysto kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya iyadoo la soo jiidanayo maalgashi caalami ah oo taageeri kara kobaca dhaqaalaha iyo abuurista shaqada. West Virginia waxay leedahay khibrad ballaaran oo ku saabsan warshadaha macdanta iyo kheyraadka dabiiciga ah, gaar ahaan soo saarista macdanta, habaynta, iyo horumarinta. Mas'uuliyiinta Soomaaliya waxay sheegeen in khibraddu ay gacan ka geysan karto horumarinta iyo nidaaminta waaxda macdanta ee Soomaaliya iyadoo la raacayo heerarka caalamiga ah. Heshiisku wuxuu sidoo kale ku dhiirigelinayaa shirkadaha Mareykanka inay sahamiyaan fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, gaar ahaan sahaminta, soo saarista, iyo farsamaynta macdanta muhiimka ah.

ISHA-DA.

Previous
Previous

WASIIR CALI BALCAD OO SI ADAG UGA HADLAY SALDHIGA ISRAEL EE BERBERA.

Next
Next

RAG LOO SOO XIRAY QARAXII KA DHACAY SAFAARADDA MARAYKANKA EE…