HAYADDA DUULISTA OO BEENISAY WAR BEEN ABUUR AH,
(MUUQAALKA)-AGAASIME AXMED.
(MUQDISHO/SOMALIA)-DEG DEG: Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in howlihii Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho ay si caadi ah u socdaan, iyadoo beenisay warar la faafiyay oo sheegayay in garoonka la xiri doono maalmaha soo socda. Bayaan ay soo saartay maanta oo Isniin ah, 5-ta Oktoobar, Hay’addu waxay ku sheegtay inaysan wax isbeddel ah ku imaan howlaha garoonka, isla markaana duulimaadyadii caadiga ahaa ay u socdaan sidii loogu talagalay. Hay’adda ayaa sheegtay in wararka ku saabsan xiritaanka garoonka aysan ka soo bixin ilo rasmi ah, iyadoo shacabka ugu baaqday inay xogta ku saabsan duulimaadyada iyo howlaha garoomada dalka ka helaan oo keliya kanaallada rasmiga ah ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed. Warkan ayaa soo baxaya xilli ay Muqdisho ka jiraan warar sheegaya in madaxda qaar ee ka mid ah dalalka ciidamadoodu ka qeybqaataan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, AUSSOM, ay magaalada soo gaari doonaan. Dalalkan ayaa ka mid ah waddamada loo yaqaan Troop Contributing Countries (TCC), oo ah dalalka ciidamadooda ku biiriya howlgalka nabad-ilaalinta ee Soomaaliya. Ilaa hadda, Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ma aysan sheegin wax isbeddel ah oo ku yimid jadwalka duulimaadyada ama howlaha Garoonka Aadan Cadde. Hay’addu waxay shacabka ku boorrisay inay iska ilaaliyaan wararka aan la xaqiijin, ayna ku tiirsanaadaan xogta rasmiga ah ee kasoo baxda hay’adaha ay khuseyso.
ISHA-HOL.