HAYADDA CAALAMIGA EE SOCDAALKA(IOM) OO…

(SAWIRKA)-WASIIR FIQI IYO MADAXA CUSUB EE IOM.

(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno magaaladda Muqdisho ayaa sheegaayo in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee XFS Md.Danjire Axmed Macallin Fiqi uu si rasmi ah Warqadihii Aqoonsiga uga Gudoomay Madaxa cusub ee Hayadda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ee Soomaaliya,Md.Manuel Marques Pereira. Kulanka ayaa lagu lafa guray xoojinta Iskaashiga ku aadan Horumarinta Soomaaliya. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Hormuud u ah dadaaladda lagu dhisaayo Xarunta Qurbajoogta si ey uga faa’iideystaan in ka badan afar Milyan oo Soomaali ah oo ku nool adduunka Dacaladiisa,Xaruntaa ayaa muhiim u ah doorka kobcinta Qurbajoogta ee Horumarka dalka. Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale soo dhaweeyey Mashaariicda Xasillinta ey wado Hayadda Caalamiga ah ee Socdaalka IOM kuwaaso si fiican ula jaan qaaday Qorshaha XFS ee dib u soo celinta adeegyadda dawladda ee degaanadda laga xureeyey kooxda Alshabaab. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sii wadi doonta Iskaashiga ey la leedahay Hayadda IOM si loo xaqiijiyo yoolka wadajirka ah.

ISHA-GOOBJOOG.

Previous
Previous

GUDOOMIYAHA AQALKA SARE OO DALKA DIB UGU…

Next
Next

MARAYKANKA OO BAARAYO QAABKII LOOGA BAXAY AFG.