HAWLGLAL QORSHEYSAN OO LAGU DILAY 14-MALEESHIYO OO ALSHABAAB AH.

(MUUQAALKA)-QORAALKA WAS.G/DHIGA.

(BAYDHABO/KGS)-Ciidanka Kumaandooska Danab, ayaa  hawlgal qorshaysan ku dily 14 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kaddib howlgal xalay ka dhacay deegaanka Buula Fulaay ee gobolka Baay. Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ku sheegtay in ciidamada ay  burburiyeen gabbaad ay Al-Shabaab ku dhuumaalaysanayeen intii uu socday hawlgalku. Wasaaraddu waxay sheegtay in howlgalka uu qayb ka yahay hawlgallada joogtada ah ee ciidamada dowladda ay ka wadaan dalka, kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo Al-Shabaab, laguna xoojinayo amniga iyo xasiloonida. Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ammaanay ciidamada ka qaybgalay howlgalka, iyagoo sheegay in howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijinayo nabad iyo amni waara. Howlgalkan ayaa ku soo aadaya, maalmo kaddib markii maagaalada Baydhabo ay gudaha u galeen dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab iyo ciidamo ka amarqaata madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, kuwaas oo saacado ka dagaalamayay gudaha magaalada Baydhabo. Tan iyo sidii uu Koonfur Galbeed u yimid Aadan Madoobe, amniga Baydhabo ayaa hoos u dhacay, iyadoo muddo dhowr jeer ah ay weeraro ku soo qaadeen xooggaga kasoo horjeeda.

ISHA-HOL.

Previous
Previous

SARAAKIIL MARAYKAN AH OO KU SUGAN MAGAALADDA BOOSAASO.

Next
Next

BAABUUR LA SOO XADAY OO KU DHACAY BAABUUR BOOLISKU LEEYAHAY.