HAWLGALLO LAGA FULIYEY G/SHABEELADDA HOOSE IYO DIL TOOGASHA AH.
(SAWIRKA)-CIIDMADA QARANKA SOOMAALIYEED.
(MUQDISHO)-Saaka oo ay taariikhdu tahay 16-ka Febraayo, 2026, waxaa magaalada Muqdisho lagu fuliyay xukunkii qisaasta ahaa ee ay horay u ridday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida labo dambiile oo loo haystay dilal iyo qaraxyo ka dhacay caasimadda. Labadan nin oo kala ahaa Xasan Cali Iftiin Buule oo loo yaqaannay (Gacmey) iyo Xasan Cali Ibraahim Maxamed Axmed oo loo yaqaannay magacyada (Baari, Biibaaye, iyo Sacad), ayaa lagu helay dambiyo la xiriira inay gumaad ba’an u geysteen muwaadiniin Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan. Sida ay sheegtay Maxkamadda Ciidamada, labadan nin ayaa ka mid ahaa unugyada Al-Shabaab ee ka dambeeyay falal naxdin leh oo isugu jira dilal qorsheysan iyo qaraxyo dhiig badan ku daatay oo ka dhacay gudaha Muqdisho. Ka dib markii ay soo mareen heerar kala duwan oo dacwad ah, ayna caddaatay dambiyada ay geysteen, waxaa saaka laga oofiyay xadkii qisaasta ahaa ee ay muteen si loogu caddaalad falo dhibbanayaashii ay waxyeelleeyeen. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 25’aad ee Cumar binu khadaab ayaa howlgal amni xaqiijin ah ka sameeyay deegaanada hoos taga Sabiid iyo Caanoole sida , Gaala-wer , Sagaalaad iyo Cumar Bayre ee gobołka shabeellada hoose. Howlgalkaan ayaa waxaa hoggaaminayay taliyaha guutada 25’aad G/le Mustaf Cumar Caalin (Cijacadde), iyadoo looga hortegayay ineey khawaarijtu isku daydo ineey si dhuumaalaysi ah ku soo galaan dhul beereedyada deeganada hoostaga sabiid iyo caanoole ee gobolka shabeellada hoose, si ay u maleegaan dhagaro ay ku dhibaateeyaan shacabka soomaaliyeed ee isugu jira beero qodata iyo kuwa safarayda ah ee isticmaalaya wadooyinka ka baxa deeganadaas. Ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ayaa markasta u taagan xaqiijinta amaanka shacabka soomaaliyeed iyo ka hortagidda falalka guracan ee khawaarijta ay damcaan markasta ineey ku dhibaateeyaan shacabka soomaaliyeed.
XIGASHO-WAKAALADDO.