HAWLGAL DHINACA CIRKA AH OO LALA BEEGSADAY KOOXDA ALSHABAAB.

(SAWIRKA HAYADDA NISA.

(HIIRAAN)-Wararka ka imaanayo Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaayo in Ciidamadda Hayadda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka NISA oo kaashaneyso Saaxibadda Caalmka ey hawlgal Qorsheeysan xalay ka fulisay Isgoyska Gayacad ee u dhaw degaanka Mubaax ee gobolka Hiiraan,hawlgalkaas ayaa lagu dilay ilaa 15-xubnood oo isugu jira Maleeshiyaad iyo Horjoogayaal ka wada tirsan kooxda ALshabaab,halka shankalane dhaawacyo halis ah lagu gaarsiiyey. Hwlgalka oo dhacay seddex mar oo kala duwan oo isla xalay ah ayaa wxaaa lagu beegsaday koox ALshabaab ah oo laga soo abaabulay degmada A/Yabaal iyo degaanka Cali-Axmed ee G/Shabeeladda dhexe kuwaaso doonaayey iney gurmad ahaan ugu gudbaan ALshabaabka kale ee ku go’odoonsan degaano kale oo ka tirsan G/Hiiraan. Inkasta oo ey kooxda ALshabaab isku dayday iney ku dhuumaaleystaan dhulka hawdka ah,hadane seddxda hawlgal ee lagu bartilmaameedsaday ayaa ku soo dhammaaday si guul ah.,waxaane halkaasi lagu dilay 15-xubnood oo ALshabaab ah halka ilaa shan kalane la xaqiijiey in dhawacyo halis ah ey gaareen. Hawlgalka ayaa weli socda iyadoo lagu raad joogo firxadka maleeshiyaadka baxsad ka ah hawlgalka.

Previous
Previous

HORJOOGE SARE OO ALSHABAAB AH OO LAGU DILAY TOORATOORAW.

Next
Next

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA EE SOOMAALIYA.