HAWEENEY SOOMAALIYEED OO LAGU XUKUMAY 18-BILOOD OO XARIG AH DALKA IRLAND.
(SAWIRKA)-GAROONKA DUBLIN.
(DUBLIIN/IRLAND)-Wararka laga helaayo caasimadda Irland ee Dublin ayaa sheegaayo in Haweeney Soomaali ah oo haysatay dhalashada dalka Ingiriiska ayaa lagu xukumay 18 bilood oo xabsi ah ka dib markii ay si sharci darro ah u fududeysay gelitaanka haweeney kale oo Soomaali ah gudaha Ireland iyadoo adeegsanaysa baasaboor Swedish ah oo aan lahayn. Maxkamadda Dublin ayaa xukunka ku ridday Muna Sharif, 47 jir, oo deggen Birmingham ee dalka Ingiriiska. Waxay qiratay dambiyada la xiriira adeegsiga dukumenti aqoonsi oo been abuur ah iyo inay si ula kac ah uga caawisay qof inuu si sharci darro ah ku galo Ireland bishii Abriil ee sanadkan.Baaritaanka ayaa muujiyay in haweeneyda kale, oo lagu magacaabo Asiya Moxammad Axmed, ay ka soo wada duuleen magaalada Düsseldorf ee dalka Jarmalka, balse ay si kala gooni ah uga dageen garoonka diyaaradaha ee Dublin, iyagoo kala maray xafiisyada socdaalka. Saraakiisha socdaalka ayaa ka shakiyay baasaboor Swedish ah oo sawirkiisu uusan la jaanqaadeyn qofkii watay(been abuur ah), taasoo keentay in haweeneydaasi ay isla markiiba codsato magangelyo. Booliska socdaalka ayaa sheegay in Muna Sharif lagu arkay goobta lagu qaato boorsooyinka iyadoo eegaysa haweeneyda kale, isla markaana qaadatay shandad ku qorneyd magaca ku yaallay baasaboorka la isticmaalay. Caddeymaha maxkamadda la horgeeyay ayaa sidoo kale muujiyay in Sharif ay bixisay kharashka tigidhka safarka iyadoo adeegsatay kaar bangi oo laga helay markii la xiray. Baaritaan lagu sameeyay taleefankeeda ayaa lagu helay fariimo WhatsApp ah oo ay la wadaagtay milkiilihii saxda ahaa ee baasaboorka Swedish-ka, iyadoo u bandhigaysay lacag dhan 1,500-krona Swedish si loogu isticmaalo baasaboorka. Sharif ayaa booliska u sheegtay in qof saddexaad uu ka codsaday inay Birmingham uga safarto Düsseldorf si ay ula kulanto haweeneyda Soomaaliyeed una soo gelbiso Dublin. Waxay sheegtay inaan loo ballanqaadin faa'iido dhaqaale, balse lagu soo celin lahaa kharashkii ay bixisay. Si kastaba ha ahaatee, dacwad-oogayaasha ayaa sharraxaaddaas diiday, waxaana lacag dhan 1,000-euro oo laga helay lagu wado in dowladda la wareegto. Difaaceeda ayaa maxkamadda u sheegay in Asiya Moxammad Axmed ay tahay walaasheed, inkastoo aan la soo bandhigin caddeyn DNA ah. Waxa kale oo uu sheegay inay u dhaqantay si ay uga badbaadiso guur khasab ah oo looga waday Soomaaliya ama ugu yaraan ay u caawiso haweeney Soomaaliyeed oo wajahaysay xaalad noocaas ah. Garsooraha Orla Crowe ayaa sheegtay in doodaha difaaca ay is khilaafayeen, iyadoo mar la sheegayay inay tahay walaasheed, mar kalena la sheegayay inay tahay haweeney Soomaaliyeed oo keliya oo la caawinayay. Waxay sidoo kale tilmaantay in sheegashada ah inaysan ogeyn in falku yahay dambi culus aysan ahayn mid lagu qanci karo, maaddaama Muno Sharif ay hore u soo martay nidaamka magangelyada ee Ingiriiska. Garsooraha ayaa xustay in Jarmalku yahay dal bixiya magangelyo, isla markaana aysan jirin sabab sharci ah oo loo adeegsado baasaboor been abuur ah si qof loogu geliyo Ireland. Ugu dambeyn, waxay ku xukuntay Muna Sharif 18 bilood oo xabsi ah, iyadoo muddada xukunka laga bilaabay maalintii la xiray.
ISHA-HOL.