HAWEENEY GABAR LABA JIR AH KU QAADAY BOORSO,SABABTA?

(SAWIRKA)-SHIRKADA INTERCITY.

(NEW ZEALAND)-Haweeney 27 jir ah ayaa lagu xiray ka dib markii loo soo jeediyey eedeymo la xiriira xadgudubka caruurta ee New Zealand Axadii ka dib markii lagu helay iney la socotay ilmo ay isku dayday in ay ku qariso shandadeeda xilli ay ku jirtay safar dheer oo bas ah. Darawalka baabuurka oo ey iska leedahay Shirkadda Basaska ee InterCity oo u socdaalaysay caasimadda Auckland ee degitaanka waqooyiga ee Whangarei ayaa helay ilmaha intii lagu jiray joogsi joogta ah intii lagu jiray safarka qiyaastii laba saacadood iyo bar ah markii qof rakaab ah uu codsaday in la galo aagga kaydinta baska hoostiisa.

DUMAR LAGU SOO OOGAY DHIBAATEYN CARUUR:

Sarkaal Xigeen Booliska Simon Harrison ayaa sheegay in canugta uusan soo gaarin dhaawac jireed marka laga reebo kulaylka, laakiin cunugtaan 2-sano jirka ah ayaa loo qaaday isbitaal si baaritaano loogu sameeyo caafimaadkeeda. Haweeneydiine waxay ku hartay xarunta habeenkii. Mas’uuliyiintu ma aysan sheegin muddada cunuga ay ku jirtay boorsada ka hor inta aan la helin. Haweeneydan oo aan magaceeda aan la shaacin ayaa maanta oo isniin ah kasoo muuqatay Maxkamadda halkaasi oo maamulku sheegay in lagu soo oogi doono xadgudubyo dhanka caruurta ah. Maamulka ayaa sheegay in ilmaha uu la kulmi karay Neef-qabatin, Sumowga Kaarboon Monoksaydh, Kulayl ama dhaawac Maskaxeed iyo in hab-dhaqanka hooyadu uu ahaa "kaga tag weyn" mas'uuliyadeeda xannaanaynta ilmaha. Shirkada InterCity waxay sheegtay inaysan wax lacag ah ka qaadin caruurta da'doodu ka yar tahay saddex sano, si kastaba ha ahaatee, kuwan ayaa looga baahan yahay inay ku safraan dhabta dadka waa-weyn ee la socda. Kormeeraha bilayska Harrison ayaa u mahad celiyay darawalka baska, isaga oo amaanay feejignaantiisa iyo dhaqankiisa deg dega ah, isaga oo xusay iney u badan tahay iney ilmaha ka badbaadisay dhibaato kale.

ISHA-DW.


Previous
Previous

SACUUDIGA OO KOR U QAADAY XUKUNKA DILKA AH,SABABTA?

Next
Next

DAWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA IYO LA DAGAALANKA MAALGELINTA ARAGAGIXISADA.