HASHIM OO MAR KALE KA SOO MUUQDAY MAXKA...

(SAWIRKA)-HASHIM IYO GADHIHI UU DILAY.

(NAIROBI-KE)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Nayroobi ee dalka Kenya ayaa sheegaayo in Mawaadin Soomaaliyeed oo lala xiriirinaayo inuu ku lug leeyahay dilal fool xun oo afar haween ah loogu geystay xaadaha Islii ee magaaladda Nayroobi ayaa lagu soo oogay afar dacwadood oo dil ah. Hashim Dagane loona yaqaano Hashim Khalif ayaa Talaalada maanta ah la horkeenay Maxkamadda dhegaysi muuqaal ah oo uu ku diiday eedeymaha dilka ah. Mr.Degane oo ka soo hor muuqday Garsoorka Maxkamadda Sare ee dalka Kenya Kanyi Kimondo ayaa beeniyey inuu dilay Dahabo Da’ud Siyaad oo loo yaqaano Waris, Amina Dahir, Musayba Cabdi Maxamed iyo Deeqo Cabdi Nuur Qorane. Waraaqadaha Dacwadda ee la horkeenay Maxkamadda ayaa lagu sheegay in Hashim uu geystay dilal fool xun intii u dhexeysay 21-kii Oktobar iyo 30-kii Oktobar ee sannadkii 2024-kii. Maxkamadda ayaa lagu wargeliyey in Dahabo la dilay habeenimadii 21-kii iyo 22-kii Oktoobar-2024-kii degaanka Kyumbi ee is maamulka Machakos. Eedeynaha ayaa sidoo kale lagu sheegay Aamina iyo Musayba Cabdi lagu dilay isku habeen agagaarka degaanka Parkland ee Nayroobi. Xeer ilaalinta ayaa intaas ku dartay in Deeqo la dilay intii u dhexeysay 28-kii iyo 30-kii Oktoobar-2024kii,iyadoo lagu dilay Dhismaha la degan yahay ee Valley Heights ee Lavington ee is maamulka Nayroobi. Hashim oo hadda ku xiran Xabsiga Reman And Allocation Prison ee magaaladda Nayroobi ayaa doonaayey in damiin lagu sii daayo. Xeer ilaalinta ayaa sheegtay iney kasoo horjeedo codsiga iyo Agaasimaha Waaxda dacwad Oogista(DPP) Renson Ingonga ayaa xareyn doona dhaarin ey ku faahfaahinayaan sababaha ey ku diidan yihiin Curaarta Eedeysanaha. Garsoore Kimondo ayaa ku amray Xeer ilaalinta iney ku xareeyaan dhaarta todobaad gudihiis,dacwadaan ayaa dib la isugu soo laaban doonaa 11/02/2025-ka. Dhinaca kale, Garsooraha Maxkamadda Sare ayaa amray in Eedeysanayaasha in lagu sii haayo Xabsiga ku yaalo aaga warshadaha. Haweenkan ayaa si arxan daran loo dilay, waxaane meydadkooda si gooni gooni ah loogu daadiyey goobo kala duwan ka dib markii la sheegay in la la’ayahay. Warbixintii ugu horeysay ee booliska ayaa sheegaysa in gacan ku dhiiglayaasha ey dalbadeen lacag Madax furasha ah balse ey meesha ka saareen dhibanayaasha ka dib markii ey heli waayeen lacagtii ey dalbadeen. Hayaddaha Xuquuqul Insaanka ayaa ugu baaqay Hayadaha Amaanka iney meesha ka saaraan wax kasta oo carqaldeyn kara cadaaladda.

ISHA-DN.

Previous
Previous

AFRICA HOUSE OO ABAALMARIN GUDOONSIISAY…

Next
Next

MW-Dr.XASAN SHEEKH OO KA QEYBGELAAYO MADASHA…