HANAD C/LLE OO LAGA KEENAY SOOMAALIYA AYAA G/OHIO LAGU MAXKAMADEYEY.
(SAWIRKA)-HANAD CABDULL.
(OHIO/USA)-Muwaadin Soomaali ah oo lagu magacaabo Anut Abdulle, oo 23 ah jir, ayaa la horgeeyay maxkamad ku taalla gobolka Ohio ee dalka Mareykanka, kaddib markii laga soo gacan geliyay Soomaaliya, isagoo wajahaya eedeymo la xiriira dil dhacay sanadkii 2021. Kiiskan ayaa la xiriira geerida Bryce Persang, oo bishii Sebtembar 2021 laga helay isagoo qaba dhaawac rasaas ah gudaha gaari noociisu ahaa Honda Fit oo yaallay meel ka dambeysa dhisme dabaqyo ah oo ku yaalla galbeedka magaalada Columbus. Persang waxaa loo qaaday isbitaal, balse markii dambe halkaas ayuu ku geeriyooday. Baaritaan ay sameeyeen ciidamada ammaanka ayaa horseeday in dacwad lagu soo oogo Anut Abdulle iyo eedeysane kale oo lagu magacaabo Tahir Said. Xeer-ilaaliyeyaashu waxay sheegeen in labada nin ay dalka ka baxsadeen dhacdada kaddib. Mas'uuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay in Cabdulle lagu qabtay magaalada Muqdisho, kadibna loo soo gacan geliyay Mareykanka. Khamiistii ayuu si rasmi ah ula wareegay booliska magaalada Columbus. Sida dacwadda lagu sheegay, Cabdulle waxaa sanadkii 2023 lagu soo oogay hal dacwad oo ah dil qorsheysan, hal dacwad oo dhac hubeysan ah iyo laba dacwadood oo kale oo dil ah, iyadoo dhammaan ay la socdaan eedeymo la xiriira adeegsiga hubka. Maxkamadda ayaa u qabatay dammaanad dhan $2 milyan, waxaana lagu xiray shuruudo ay ka mid yihiin in lala socdo qalabka GPS-ka iyo inuu dhiibo baasaboorkiisa haddii lagu sii daayo dammaanad. Dhanka kale, hay'adaha ammaanka Mareykanka ayaa sheegay inay weli baadi-goobayaan eedeysanaha labaad ee Tahir Said, oo ay rumeysan yihiin inuu ku sugan yahay Soomaaliya. Saraakiisha Mareykanka waxay sheegeen in qabashada Cabdulle ay ku timid iskaashi dhex maray U.S. Marshals Service, Waaxda Cadaaladda Mareykanka (DOJ), FBI-da, iyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
ISHA-HOL.