GUDOONKA LABAD AQAL OO LA SHIRAY GUDIGA DIB U EEG..
(SAWIRKA)-GUDOMIYEYAASHA LABADA AQAL.
(MUQDISHO)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) Iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare Senator Cabdullaahi Xirsi Timacadde ayaa kulan la qaatay Guddiga La socodka iyo Dib u Eegista Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa Aqal iyo sidoo kale Guddiga Madaxabanaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka. Kulanka oo ay ka qeyb galeen Habdhowrka Baarlamaanka labadiisa Aqal iyo Xoghayaasha guud ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare waxaa guddiyadda qaabilsan dib u Eegista iyo dhameystirka dastuurka ay guddoonka labada aqal la wadaageen warbixin ku saabsan marxaladaha ay marayaan howlaha la xiriira dib u Eegista dastuurka iyo qorshayaasha uga degsan xiliga ay Baarlamaanka horgeeynayaan cutubyada harsan. Ugu dambeyn Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Guddiga La socodka iyo dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale guddiga Madaxabanaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa isku raacay dardargelinta howlaha la xiriira dib u Eegista iyo dhameystirka Dastuurka. Waxaa xusid mudan in fadhiyadii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee todobaadkan eysan qabsoomin sababo la xiriiro fawdo ey gadaal ka riixayaan Xildhibaano gacan saar la leh Mucaaradka DFS ee uu hogaamiyo Xildhibaan Sheekh Shariif sheekh Axmed eyna xubno ka kala yihiin Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo Ex-Reysal Wasaare Xasan Cali Kheyre.
ISHA-BJFS.