GUDOOMIYE MUUNGAAB OO KA HADLAY DAGAALKII BERMUUDA.
(SAWIRKA)-GUD.MUUNGAAB.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Gudoomiye Mungaab oo soo hadlay Saacado Ka dib ayaa sheegay inaan la aqbali karin isku day kasta oo lagu wiiqayo amniga, lagu carqaladeynayo kala dambeynta ama lagu jiljilayo jiritaanka Dowladnimada. Waxaan bogaadinayaa Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo hay’adaha amniga ee sida hufan, geesinimada iyo mas’uuliyadda leh uga shaqeynaya sugidda amniga, ilaalinta shacabka iyo adkeynta haybadda dowladnimada. Dadaallada ay saacadihii la soo dhaafay ka wadeen magaalo-madaxda Soomaaliya; waxay ka tarjumayaan waajibka Qaran ee ka saaran difaaca xasilloonida, sharciga iyo kala dambeynta Dalka. Sidoo kale, waxa aan shacabka ku dhaqan Magaalada uga mahadcelinayaa dulqaadka, wacyiga iyo wadashaqeynta ay muujiyeen xilligaan muhiim ka ah,taasoo caddaysay in dowladnimada Soomaaliyeed ay ku dhisan tahay rabitaankiinna, sharciga iyo hay’ado Qaran oo shaqeynaya. Sidaas awgeed, lama aqbali karo isku day kasta oo lagu wiiqayo amniga, lagu carqaladeynayo kala dambeynta ama lagu jiljilayo jiritaanka Dowladnimada. Dhinaca kale, Wasiirka Gaashaandhiga ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Md.Axmed Macallin Fiqi ayaa isna ka hadlay wixii shalay ilaa xalay ka socday Xaafadda Bermuuda ee degmada H/wadaag ee G/banaadir, waxa uuna Wasiirku bartiisa soo dhigay hadal u qornaa sidan: “RSF- Garabka Soomaaliya mashruucii qandaraas hoosaadka (sub-contracts) dawlad duminta iyo afgambiga ee ay soo qaateen gebi ahaanba waa fashilmay. Hogaamiye kooxeed lama jili karo waayo waqtigiisii waa soo dhammaaday, hogaamiye Khawaarij oo diinta ku soo hoos gabada asna hooggiisii iyo halaaggiisii waa la soo dhadhamiyay oo cidna lagama yeelayo, hogaamiye qabiil ama jufo xalay ayaa la arkay oo waa kan hoobiyaha iyo madaafiicda u qeybiyay magaalada caasimadda oo la isweydiiyey ma dadweynaha ayay la dirirayeen mise dawladda?! Isku soo duub, waxaa soo xirmay albaabkii caga-juglaynta, xoog iyo maleeshiyaad in xukun lagu doono ama dawlad lagu hor istaago. Guulaysta Ciidamada qaranka ee xaq u dirirka ah, odoyaasha dhaqanka ee dawladnimada jecel iyo shacabka Soomaaliyeed we dulqaadka weyn muujiyay”.
ISHA-SB-MEDIA.